Safiirka Jamhuuriyadda Kenya u fadhiya JamhuuriyaddaFederaalka Soomaaliya, Danjire General Thomas Chepkuto, ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Mudane Abshir Cumar Jaamac, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Safiirka cusub ee Kenya loo soo magacaabay ayaa lagu
soo dhaweeyay kulanka, waxaana wasiirka arrimaha dibadda uu u rajeeyay in uu ku
guuleysto howlaha loo igmaday, isagoo ku nuux-nuuxsaday in loo baahan yahay in
la horumariyo iskaashiga labada dhinac. Marka laga eego aragti ballaaran oo
faa'iido u leh labada dal deriska ah dano wadaagna ah. Wasiirku waxa uu hambayo
u mariyay Safiirka Madaxweynaha la doortay ee Kenya, Mudane William Ruto.
Danjire Thomas Chepkuto ayaa dhankiisa sheegay in uu
ku faraxsan yahay soo dhaweynta uu u sameeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda, isagoo
tilmaamay in qarankiisu uu ku faanayo xiriirka Soomaaliya iyo sidii loo xoojin
lahaa, si looga midho dhaliyo himilooyinka labada dal ee ummadaha iyo dadkooda
saaxiibka ah.
The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Abshir Omar Jama, has on Tuesday received a copy of the credentials from #Kenya’s new Ambassador to #Somalia, Maj. Gen. Thomas Chepkuto.#Somalia pic.twitter.com/XgrKpOASRR
— SNTV News (@sntvnews1) August 16, 2022
Comments
Post a Comment