Weerarkii lagu qaaday hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho oo ay xalay ku dagaalameen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa weli socda dagaalka ay wadaan ciidamada dowladda Federaalka.
Iyadoo ilaa xalay dabley hubeysan oo ka tirsan
Al-Shabaab ay gudaha Hotelka ka dhex dagaalamayaan, ayaa waxaa la sheegay in ay
ku dileen dad badan, waxaana la soo sheegayaa in dhimasho iyo dhaawac ay aad u
badan yihiin. Ilaa hadda lama oga tirada guud ee dhimashada iyo dhaawaca ah ee
ka dhashay weerarkan oo ka mid ah kuwii ugu dhiigga badnaa ee muddooyinkii dambe
ka dhaca magaalada Muqdisho.
Taliyaha NISA ee degmada Banaadir Muxiyadiin Warbac
iyo sarkaal kale oo magaciisa lagu sheegay Mahad Korow ayaa ka mid ah
saraakiisha ku dhaawacmay weerarka. Waxaa uu ku dhaawacmay bambooyinka gacanta
laga tuuro oo ay Al-Shabaab ka soo tureen saqafka sare ee hoteelka. Hay’adaha
ammaanka ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin dhacdadan. Waxaa la filayaa in
dhawaan ay la hadlaan warbaahinta oo ay ka bixiyaan wararka ku saabsan
khasaaraha iyo kuwa la badbaadiyay.
Security forces are conducting operation at Hayat hotel where terrorists attacked, on Friday. The forces have rescued many people most of them women and children. Precautions are being taken to avoid casualties to civilians during the operation, Police said.#Somalia pic.twitter.com/zcJu7TwqhK
— SNTV News (@sntvnews1) August 19, 2022
Comments
Post a Comment