Bariga gobolka Hiiraan ayaa ciidamada xoogga dalka gaar ahaan guutada 6-aad ee guutada 16-aad ee Kumaandooska DANAB iyo guutada 5-aad ee qeybta 27-aad ee guutada 8-aad ee Kumaandooska ayaa howlgalo amniga lagu xaqiijinayo waxa ay ka sameeyeen deegaano dhowr ah. laga sifeeyay maleeshiyada Al-Shabaab.
Security operations to hunt down the remnants of #Alshabab terrorists continue in the rural areas under #Booco village in #Hiiraan region where #Somali National Army had captured yesterday with the support of locals.#Somalia pic.twitter.com/38F22TwaDo
— SNTV News (@sntvnews1) September 21, 2022
Ceel laala, Nuur Fanax, Beer Xane, Baardheere, Booco, iyo Garasyaani ayaa kamid ah deegaanada uu maro wabiga Shabeelle oo ciidamada ay howlgalo ka sameeyeen. Meelaha kale ee webiga ku teedsan waxaa ka mid ah Garasyani. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyti Cismaan ayaa howlgalladan ka qeyb qaadanaya. Sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka, shacabka ku nool deegaannada ay ciidamadu la wareegeen oo ay argagixisadu ku dhibaateyn jirtay shacabka ayaa ku farxay in la hareereeyo deegaannada ay argagixisada ku sugan yihiin.
Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Maxamed Nuur
(Jaamac) iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa
maalmahan socdaalo ku marayay deegaano ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya oo
Shabaab laga saaray. Waxaana ay u sameynayaan sidii Saraakiisha Ciidamada ay u
dardar gelin lahaayeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Comments
Post a Comment