Madaxweynaha Soomaaliya iyo sidoo kale wefdigiisa, ayaa u ambabaxay dalka Mareykanka, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono shirka 77-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Wareegtada oo bilaabaneysa 13-ka bishan ilaa 27-ka bishan, waxaana diiradda lagu saarayaa sidii wax looga qaban lahaa arrimaha la xiriira yareynta faqriga iyo xasillooni darrada, tayeynta waxbarashada, shaqo abuurka dhalinyarada, daahfurka xal u helida masiibooyinka dabiiciga ah iyo ilaalinta xuquuqda kooxaha laga tirada badan yahay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa
sheegay in ay golaha guud ee Qaramada Midoobay u gudbin doonaan aragtiyada iyo
qorshayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan dagaalka ka dhanka ah
faqriga iyo argagixisada.
Si loo sii xoojiyo mawqifka Soomaaliya ee
fagaarayaasha caalamiga ah, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la kulmi
doona madaxda dalalka ka qayb qaadanaya wareeggan, iyo madaxda hay’adaha
caalamiga ah iyo kuwa caalamiga ah ka qayb-qaadashada wareegga 77-aad ee Golaha
Guud ee Qaramada Midoobay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa socdaalo ku kala
bixiyay in ka badan toban dal, balse safarkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee
uu ku tago dalka Mareykanka.
#US Secretary of Defense Lloyd Austin III will welcome President @HassanSMohamud, to the #Pentagon for an enhanced honor cordon and bilateral meeting on Thursday, Sept. 15.#Somalia pic.twitter.com/p2IKRHMIuX
— SNTV News (@sntvnews1) September 15, 2022
Comments
Post a Comment