Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Somaliya, ayaa Magaalada New York kaga qayb galay shirka 77aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Intii uu halkaa ku sugnaa, waxa uu sidoo kale aqbalay soo jeedin ah in uu ka soo qayb galo munaasibad lagu maamuusayo Joe Biden, Madaxweynaha Maraykanka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Mareykanka uu
uga mahadcelinayo sida ay uga qeyb qaadaneyso dagaalka ka dhanka ah ururka
argagixisada ah ee Al-Shabaab oo dhibaato ku haya nolosha shacabka Soomaaliyeed
iyo sidoo kale horumarka guud ee deegaanka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in
shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay iska kaashanayaan sidii ay dalkooda uga
xoreyn lahaayeen argagixisada, isla markaana xilligan ay dagaal aan naf iyo
maal ku jirin oo geesinimo leh ay ku qaadayaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan
argagixisada Al-Shabaab, una baahan in la taageero iyo kaalmada beesha
caalamka.
I had the pleasure of attending the reception hosted by the @POTUS during the 77th Session of the UNGA Assembly.
— Hassan Sheikh Mohamud (@HassanSMohamud) September 25, 2022
The #USA is a strategic ally & friend for #Somalia's development & progress of whom we look forward to further enhancing our bilateral ties to advance regional peace. pic.twitter.com/0izEn8rZm0
“Intii lagu guda jiray kalfadhiga 77-aad ee GolahaUNGA, waxaan fursad u helay inaan ka soo qayb galo soo dhawaynta ay POTUS
martigelisay. Waxaan rajeyneynaa inaan xoojino xiriirka laba geesoodka ah ee
aan la leenahay Mareykanka, oo ah saaxiibka muhiimka ah iyo saaxiibka horumarka
iyo horumarinta Soomaaliya, si kor loogu qaado nabadda degaanka.”
Comments
Post a Comment