Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Mareykanka ayaa ka wada hadlay fursadaha maalgashi ee dalka ka jira, istaraatiijiyadda dowlad dhisidda, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, iyo abuuritaanka dowlad goboleed. kaabayaasha dhaqaalaha.
Madaxweynaha ayaa uga warbixiyay jaaliyadda iyo
ganacsatada Soomaaliyeed ee uu la kulmay xaaladda guud ee dalka, waxaana uu
xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siineyso horumarinta
dhaqaalaha iyo maalgashiga, sare u qaadidda amniga, shaqo abuurka dhalinyarada,
iyo keenista shacabka Soomaaliyeed wadankooda.
Madaxweynaha ayaa sheegay in qurba-joogta
Soomaaliyeed ay saameyn togan ku leeyihiin horumarka dalka, isagoo rajo ka
muujiyay inay sii kordhiyaan taageerada ay u hayaan Qaranka iyo wadajirka
shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in diblomaasiyadda Soomaaliya ay mudnaan
gaar ah siineyso xoojinta xiriirka ay la leedahay dibadda si aan si buuxda
isaga kaashano oona ogaano waxyaabaha dib u dhigaya dadka Soomaaliyeed.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka
oo ay ku jireen wakiilo horay xilal uga soo qabtay halkaasi ayaa Madaxweynaha u
ballan qaaday in ay ka shaqeyn doonaan dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya,
horumarinta nabadda iyo taakuleynta dadka ay abaaruhu ku saameysay qeybo badan
oo ka mid ah dalka.
Comments
Post a Comment