Guddoomiye ku xigeenada iyo xoghayaha guud ee gobolka Banaadir ayaa lagu magacaabay wareegto ka soo baxday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu u magacaabay guddoomiye ku xigeenka dhanka siyaasadda iyo amniga.
Cali Yare Cali oo xilkan soo hayay saddexdii sano ee
la soo dhaafay, saaxiibna la ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed
C/llaahi Farmaajo ayaa xilkan kula wareegay Yabooh. Ciise Maxamuud Guure ayaa
sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Maamulka
iyo Maaliyadda. Halka Cabdi Casiis Cismaan Maxamed loo doortay inuu noqdo
guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee gobolka Banaadir.
Madaxweynaha ayaa Xasan Maxamed Jimcaale u
magacaabay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada, halka Faysal Caraale Afrax
uu u magacaabay xoghayaha guud ee gobolka Banaadir.
Qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Xeer Lr.6 oo soo baxay
12-kii February 1980-kii ee lagu maamulayay G/Banaadir iyo Dowladda Hoose ee
hoos-tagta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waafaqsan ku
dhawaaqida Madaxweynaha.
Axadii taariikhduna ay ku beegan tahay 20-ka
November, 2022, waxaa dhaqan galay wareegtada Madaxweynaha, oo lagu magacaabay
Guddoomiye ku xigeenada iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir.
In Presidential decree, President @HassanSMohamud has appointed four Deputy Governors and one Secretary General for #Benadir region, on Sunday.#Somalia pic.twitter.com/fWh9Zsbbf1
— SNTV News (@sntvnews1) November 20, 2022
Comments
Post a Comment