Sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday goobaha ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay VillaSomalia, “Madaxweynuhu wuxuu dhageysan doonaa taliyeyaasha iyo saraakiisha
hoggaamineysa warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray argagixisada iyo
maaraynta dagaalladii dalka looga xoreenayo argigixsada, isagoo ku ammaanay
sida naf-hurnimada leh ee ay dalkooda u difaacayaan”.
Xafiisyada hore ee deegaanada Galmudug, Hirshabeelle
iyo Koonfur Galbeed oo ay ka socdaan howlgallada ayaa waxaa booqan doona
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha ayaa sidoo kale u kuurgeli doona
xaaladda nololeed ee dadka ku nool deegaanada ay ka socdaan howlahaasi, sida uu
hadalka u dhigay.
Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaanada
Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ka socday kacdoon ka dhan ah
Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda ay Al-Shabaab ka saareen magaalooyin,
tuulooyin iyo degmooyin dhowr ah, iyagoo kaashanaya maleeshiyaad deegaanka ah.
Comments
Post a Comment