Labo weerar oo kale oo dhanka cirka ah oo lala beegsaday dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeelle. Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Afrika ayaa ku andacoonaya in 14-kii iyo 17-kii December, meel u dhow magaalada Cadale ee dhacda xeebta, ay laba weerar oo is-difaac wadareed ah ku qaadeen kooxda. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa codsatay in la duqeeyo, taasoo taageertay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Todobo ka tirsan argagixisada ayaa lagu dilay
duqeynta koowaad oo ka dhacday meel 176 KM waqooyi bari ka xigta magaalada
Muqdisho, waxaana duqeynta labaad lagu dilay 8 ka tirsan Al-Shabaab, kaasoo ka
dhacay meel 220 KM waqooyi bari kaga beegan magaalada Muqdisho.mSida laga soo
xigtay AFRICOM, qiimeynta bilowga ah ee Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa ah in
labada weerar midkoodna uusan qofna ku dhaawacmin ama uusan dilin.
Four senior members of #Alshabab terrorists including, Mohamed Ali (Moalim Hudeyfa) who was the commander of Alshabab terrorists in #Middleshabelle region surrendered to the Army while 8 other terrorists were apprehended, on Monday.#Somalia pic.twitter.com/FvrGqFzErq
— SNTV News (@sntvnews1) December 19, 2022
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in “Taliska
Maraykanka ee Afrika uu sii wadi doono inuu dib u eegis ku sameeyo natiijada
falalkan, isla markaana ay bixin doonaan xog dheeraad ah markii loo baahdo”. "Si
loo hubiyo sirta hawlaha, macluumaadka gaarka ah ee ku saabsan qaybaha ku lugta
leh iyo qalabka lagu shaqeeyo lama shaacin doono."
Warbixin kasoo baxday dowladda Soomaaliya oo ku
taariikheysneyd 15-kii bishan December ayaa lagu sheegay in Tuulooyinka Juhay
iyo Guulane oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle uu ka dhacay howlgal ka
dhan ah Al-Shabaab.
Howlgalka oo socday 48-saacadood, oo ay iska kaashadeen
saaxiibo caalami ah oo ah erey inta badan ka hadlaayay adeegsiga duqeymaha
cirka ah ee dalalka saaxiibada ah ee caawinaya ciidamada Soomaaliya ayaa lagu
dilay 88 ka tirsan Al-Shabaab, sida ay sheegtay dowladda.
The corpses of #Alshabab terrorist are scattered in Juhay village in #MiddleShabelle region where #Somali National Armed forces killed 88 terrorists in the past 48 hours, Deputy Information Minister Abdirahman Adala said. pic.twitter.com/vzVz06DBmE
— SNTV News (@sntvnews1) December 15, 2022
Dowladda ayaa la sheegay in ay soo bandhigtay
muuqaalo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay howlgalkii Jimcihii. War
qoraal ah oo Sabtidii ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, ayaa lagu
sheegay in Taliye ka tirsanaa Shabaab oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Maxamed
Jiingab uu ka mid ahaa Saraakiisha lagu dilay hawlgalkaasi.
The National Intelligence and Security Agency has confirmed the death of Yusuf Mohamed Jingab, a senior leader of #Alshabab terrorists, who was the head of radicalising office . He was killed in operation near Juhay village, in MiddleShabelle region, on 15, December.#Somalia pic.twitter.com/SMoNCMTVzE
— SNTV News (@sntvnews1) December 17, 2022
Tan iyo bishii Ogoosto, howlgallada ka socda dowlad
goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa waxaa fulinayay ciidamada dowladda
Soomaaliya oo gacan ka helaya dagaalyahannada deegaanka, kuwaas oo Al-Shabaab
ka xoreeyay deegaanno badan.
Sida laga soo xigtay hay’adaha amniga Soomaaliya,
dowladaha kale ayaa sidoo kale ku taageeraya ciidamada dowladda oo leh awood
cirka. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ayaa sidoo kale gargaar
dhinaca cirka ah siin jiray ciidamada Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiisha
ammaanka oo dabayaaqadii bishii hore la hadlay VOA-da Somali magacoodana ka
gaabsaday, sababo la xiriira habacsanaanta howlgalka.
Comments
Post a Comment