Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Betrayal in the South: The Silent Saudi Invasion Re-Igniting Yemen’s Nightmare

  Inkastoo dunidu ay aaminsaneyd in xabad-joojin jilicsan ay Yemen isku hayso, bishii Janaayo 2026 ayaa burburisay rajadaas. Magaalada dekeda ah ee Mukalla ee Koonfurta, oo mar ahaan jirtay meel ka nabdoon jiidaha dagaalka ee waqooyiga, ayaa hadda gubanaysa.  Duulaanka Sacuudiga ee Koonfurta Yemen  ayaa si dhab ah u furay bog cusub oo dagaalka ah, isagoo badalay xulafadii hore oo beegsanaya saaxiibadiisii hore. Tani ma ahan oo kaliya dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta; waa duulaan toos ah oo militari oo lagu qaaday Koonfurta, waxaana qiimaha bixinaya dadka rayidka ah. Iyadoo beesha caalamku ay indhaha ka laabanayso, cunaqabataynta bini'aadamnimo ayaa sii xumeynaysa xaaladda dadka ugu nugul. Go'doominta Gaajada: Hubka Dagaalka Laga soo bilaabo horraantii 2026, xogta la helay waa mid aan la inkiri karin:  in ka badan 17 milyan oo qof oo ku nool Yemen ayaa wajahaya cunto yari ba'an . Tani ma ahan masiibo dabiici ah; waa masiibo uu bani'aadamku sameeyay oo ay wadaan xannibaa...

Lafta Gareen oo lagu eedeeyay in uu dagaalkii Jimcihi ka dhacey Baydhabo uu ku weeraray guryaha musharaxiinta Koonfur Galbeed.

Subaxnimadii jimcaha ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa israsaasayn ku dhexmartay ciidamada Koonfur Galbeed iyo ciidamo beeleed taabacsan koox musharixiinta mucaaradka ah, balse lama oga khasaaraha ka dhashay. Musharrixiinta mucaaradka iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa muddooyinkii u dambeeyay u dhaxeeyay khilaaf xooggan.

Madaxweyne C/casiis Laftagareen ayaa muddo saddex sano ka hor ah u kordhiyay Baarlamaanka Koonfur Galbeed; hadda waxay ku egtahay 19 December 2023. Mucaaradku, si kastaba ha ahaatee, waxay ka soo horjeedaan muddo kordhinta madaxweynaha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay khilaafka dhiiga badan ku daatay ee laga soo sheegay magaalada Baydhabo, waxayna ka codsatay dhinacyada isku haya siyaasadda in ay ku dhameeyaan khilaafkooda si nabad ah oo aan rabshado jirin.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, ayaa sheegay in qaska ka taagan Magaalada Baydhabo uu yahay mid la doonayo in lagu carqaladeeyo shirka dib u heshiisiinta, ee la filayo inuu qabsoomo horaanta bisha Janaayo. Warsaxaafadeed uu soo saaray guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayuu ku dalbaday in si deg deg ah loo joojiyo colaadda arxan darada ah, wuxuuna ku casuumay dhinacyada dagaallamaya inay wadahadlaan.

Howlgallada ka socda magaalada Baydhabo sida uu sheegay Sheekh Aadan Madoobe ayaa ah kuwo dano gaar ah laga leeyahay. Wuxuu sheegay in cid kasta oo gacan ka geysata dagaalka ay mas’uul ka noqon doonto dhibaatadii ay geysteen. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa hadalkan ku dhawaaqay iyadoo in ka badan toban qof ay ku naf waayeen dagaal ciidamada Koonfur Galbeed iyo taageerayaasha mucaaradka ku dhexmaray Jimcadan magaalada Baydhabo.

Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta Gareen inuu agaasimay weerar lagu qaaday gurigiisa oo ku yaalla magaalada Baydhabo.

Sida uu sheegay Maxamed Ibraahim Fargeeti oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa lagula xisaabtami doonaa khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka qarxay magaalada Baydhabo.

Maxamed Ibraahim Fargeeti ayaa kula dar daarmay dowladda Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS in ay ka qeyb qaataan xaaladda Koonfur Galbeed, isla markaana lagula xisaabtamo dhibaatadii uu geystay dagaalkii saaka ka dhacay Baydhabo.

Sidoo kale, Madaxweyne Lafta Gareen waa in lala xisaabtamo, sida uu sheegay Shariif Xasan Sheekh Aadan, hogaamiyihii hore ee dowladda Koonfur Galbeed, oo isna sheegay in Lafta Gareen uu dhamaaday waqtigiisii.

Madaxweyne Laftagareen oo shacabka uga tacsiyeeynaayo masiibadii ka dhacday magaalada Baydhabo oo kuna booriyay cid walba inay ka shaqeyso nabadda ayaa hadalkiisa ku sheegey in tan camal ayna ka dhicin inta uu KGS madaxweyne ka ahaa.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Betrayal in the South: The Silent Saudi Invasion Re-Igniting Yemen’s Nightmare

  Inkastoo dunidu ay aaminsaneyd in xabad-joojin jilicsan ay Yemen isku hayso, bishii Janaayo 2026 ayaa burburisay rajadaas. Magaalada dekeda ah ee Mukalla ee Koonfurta, oo mar ahaan jirtay meel ka nabdoon jiidaha dagaalka ee waqooyiga, ayaa hadda gubanaysa.  Duulaanka Sacuudiga ee Koonfurta Yemen  ayaa si dhab ah u furay bog cusub oo dagaalka ah, isagoo badalay xulafadii hore oo beegsanaya saaxiibadiisii hore. Tani ma ahan oo kaliya dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta; waa duulaan toos ah oo militari oo lagu qaaday Koonfurta, waxaana qiimaha bixinaya dadka rayidka ah. Iyadoo beesha caalamku ay indhaha ka laabanayso, cunaqabataynta bini'aadamnimo ayaa sii xumeynaysa xaaladda dadka ugu nugul. Go'doominta Gaajada: Hubka Dagaalka Laga soo bilaabo horraantii 2026, xogta la helay waa mid aan la inkiri karin:  in ka badan 17 milyan oo qof oo ku nool Yemen ayaa wajahaya cunto yari ba'an . Tani ma ahan masiibo dabiici ah; waa masiibo uu bani'aadamku sameeyay oo ay wadaan xannibaa...

Uganda iyo Imaaraadka Carabta Oo Xoojinaya Xiriirka Diblomaasiyadeed iyo Iskaashiga Maalgashiga

  Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa magaalada Kampala ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, iyo arrimaha diblomaasiyadda. Kulankan ayaa daba socda dadaallada joogtada ah ee labada dal ugu jiraan kobcinta xiriirkooda istiraatiijiga ah, iyadoo Imaaraadka Carabta uu yahay mid ka mid ah saaxiibbada waaweyn ee Uganda ee dhanka horumarinta dhaqaalaha iyo maalgelinta kaabayaasha. Xoojinta Iskaashiga Dhaqaale iyo Maalgashi Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii loo ballaarin lahaa maalgashiga Imaaraadka ee Uganda, gaar ahaan dhinacyada tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo wax-soo-saarka. Imaaraadka Carabta ayaa ah mid ka mid ah dalalka sida weyn u daneynaya suuqyada Afrika, iyagoo maalgelin xooggan ku sameeyay dalal badan oo qaaradda ah, Uganda-na waxay doonaysaa in ay ka faa'iid...

Guddoomiyaha Baarlamaanka Xirshabeele oo magacaabey guddiga qabashada doorashada Aqalka Sare.

Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed,  Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle    ayaa magacaabay xubnaha Xildhibaanada golaha Wakiilada qabashada doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Xubnaha uu magacaabay guddoomiye Luqmaan ayaa ka kooban 15 xubnood waxaana guddoomiyaha loo magacaabay Xildhibaan Faysal Axmedweli Xasan, halka guddoomiye ku xigeenkana loo magacaabay Xildhibaan Maxamuud Axmed Gacal. Xubnaha la magacaabay ayaa ka shaqeyn doona sidii Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle u dooran lahayeen Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadooda tahay Hirshabeelle. Halkan kaga bogo.

Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar , halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo qaadan doonta labo maalmood. Casumaad uu ka helay Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani, Madaxweynaha ayaa sahmin doona sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga guuleysta ee dhinacyada maalgashiga, diblomaasiyadda, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. “Booqashada Madaxweynaha waxa ay ku soo beegantay kadib markii MadaxweyneFarmaajo iyo Amiirka Qatar ay wadahadleen, waxaana ujeeddadu tahay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ee labada dal, Qatar waxay door muhiim ah ka tahay dib u dhiska Soomaaliya” Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi, Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada, ayaa ka warbixiyay socdaalka Madaxweynaha. Agaasimaha ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda socdaalka Madaxweynaha ee ...

Privacy Policy