Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Dadaalka Dib loogu soo Celiyo Kalsoonida Deeq-bixiyayaasha iyo Xallinta Khilaafka Gargaarka Soomaaliya

  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilligan ku jirta loolan adag oo ay dib ugu dhiseyso xiriirka kala dhexeeya saaxiibbada caalamka ka dib markii uu soo dhax galay isfaham darro weyn oo saameyn ku yeelatay gargaarka bini'aadantinimo ee dalka soo gala. Khilaafkan oo salka ku hayay bakhaar weyn oo ku yaalla gudaha Dekadda Muqdisho ayaa horseeday in dowladda Mareykanka ay qaaddo tillaabo kulul oo ay ku joojisay qayb ka mid ah gargaarkii muhiimka ahaa ee ay siin jirtay Soomaaliya. Dhacdadan ayaa abuurtay walaac xooggan oo ku aadan sida ay u sii socon karaan hawlgallada gargaarka ee malaayiin qof oo Soomaali ah ay ku tiirsan yihiin. Xuddunta Khilaafka iyo Saameynta ka dhalatay Burburinta Bakhaarka Xiisadda ayaa kacday ka dib markii maamulka dekadda Muqdisho ay dumiyeen bakhaar loogu magac daray Blue Warehouse oo ay maalgelisay dowladda Mareykanka isla markaana ay maamulaysay hay’adda WFP. Tallaabadan oo qayb ka ahayd qorshe lagu ballaarinayo dekadda ayaa keentay in Mareykanku uu ku e...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ay billaabi doonaan howlgallada Al-Shabaab looga xoreynayo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ay billaabi doonaan howlgallada Al-Shabaab looga xoreynayo.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa shaaca ka qaaday in howlgallada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab ay dhawaan ka billaaban doonaan degmooyinka Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare Xamse, waxaa deegaanka Basra iyo deegaano kale oo ku dhow dhow degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ka bilowday hawlgallada ciidamada ammaanka qaranka iyo dadka deegaanka, waxaana ay ka xoreyn doonaan kooxda al-Shabaab. deegaanada maamulka Galmudug meel walbo ay uga sugan yihiin.

Sidoo kale, waxa uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku wargeliyay in Maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ay wadaan abaabulkii ugu dambeeyay, isla markaana ay Dowladiisa ka go’an tahay dardargelinta hawlgalada lagula dagaalamayo Al Shabaab.

“Dagaalkii ka billawday Basra, Xawaadley Balcad dhinaceeda shishe in uu hadda sii marayo sida aad wada aragteen Ruunirgood iyo meel kasii fog oo aan rajeynayo in Galmudug meelaha ay khawaariijtu uga harsan tahay laga tirtiri doonno, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed waxaa si dhaqsi ah uga billaabanaya howlgallada xorreynta, wixii hadda ka dambeeya dalka horay usoo socosho mooyee ma jiri doonto dib u socosho ilaahey idinkiis” ayuu yiri Raysal wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Raisul wasaaraha ayaa ka Hadley arintan xilli munaasabad casho sharaf iyo soo dhaweyn u sameeyay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Koongareeska dalka Mareykanka oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Maxay Madaxbannaanida Koonfurta Yemen muhiim ugu tahay Nabad dhab ah?

  Doodaha ku saabsan mustaqbalka Yemen waxaa inta badan lagu soo koobaa xabbad-joojin, dawlado kumeel-gaar ah, ama qaabab awood-qaybsi oo dibadda laga soo hindisay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira hal arrin oo mar walba la dhinac maro inkasta oo ay udub-dhexaad u tahay muddada uu dagaalku siday: waa maqaamka siyaasadeed ee aan weli la xallin ee Koonfurta Yemen. Taariikhda iyo Midowgii Fashilmay Koonfurta Yemen waxay ahayd dawlad madaxbannaan oo caalamku aqoonsan yahay ilaa sannadkii 1990-kii, waxaana loo yaqaannay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacbiga ee Yemen (PDRY). Waxay lahayd xuduudo go’an, hay’ado dawladeed, iyo xubinimo Qaramada Midoobay ah. Heshiiskii midowga ee lala galay Waqooyiga Yemen waxaa loo soo bandhigay inuu yahay iskaashi dhex maray laba dhinac oo siman oo si mutaddawacnimo ah isugu biiray. Laakiin xaqiiqadii, midowgaas si dhakhso ah ayuu u burburay, wuxuuna horseeday dagaalkii 1994-tii iyo in si nidaamsan loo gacan-bidheeyo dhinaca siyaasadda iyo dhaqaalaha ee da...

Ra'iisul Wasaare Rooble oo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KGS ugu hambalyeeyay shaacinta kuraasta ugu horeysay.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu hambalyeeyay Guddiga Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed, Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, iyo Madaxweynaha Maamulka KG ee Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed ( Lafta-gareen ) oo ku dhawaaqay 11-kii kursi ee ugu horeeyay ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed dhowaan la qaban doono. Ra’iisul Wasaare Rooble oo madaxweyne Laftagareen ku bogaadiyay shaacinta doorashada kuraastii ugu horreeysay ee Golaha Shacabka https://t.co/fW5WuopOoA — SomaliPM (@SomaliPM) November 19, 2021 Sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare Maxamed, waxaa doorashada Baarlamaanka lagu soo gabagabeyn doonaa bil gudaheed 20-ka November ilaa 20-ka December, sida ay isku waafaqeen Golaha Wadatashiga Qaran ee shirkii ugu dambeeyay ay yeeysheen 11-ka November. Si looga fogaado dib u dhac oo hor leh, isagoo intaa ku daray in doorashadu ay u dhacdo si joogta ah oo aan kala joogsi lahayn. Sidii dhacday doorashadii AqalkaSare ee mudada dheer socotay (ahaanin). PM @MohamedHRo...

Privacy Policy