Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa magaalada Tripoli ee dalka Liibiya kaga qeyb galay shirka Wasiirada Warfaafinta Jaamacada Carabta.
Daa’uud Awes Jaamac Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shirka Wasiirada Warfaafinta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay dalka Liibiya. Kulankaas ayuu wasiirku ka hadlay ayaa wuxuu ka warbixiyay xaaladda guud ee Soomaaliya iyo sidoo kale guulihii laga gaaray dagaalka lagula jiro ururka Al Shabaab.
Kulan ay yeesheen Wasiirada Warfaafinta JaamacaddaCarabta ayuu Wasiirku ku sheegay in Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha
Soomaaliya uu sheegay in Al-Shabaab laga sifeynayo Qaranka ay tahay
muhiimadiisa koowaad si shacabka Soomaaliyeed looga xoreeyo dagaallada socda.
“Waxaa dagaalkaasi najaxay ee guulaha laga gaarey ay
Soomaaliya ku wajahdey saddex dhinac oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah;
milateriga, xannibaadda dhaqaalaha argagixisada iyo dhanka aydoloojiyadda”,
ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in
wadamada Jaamacadda Carabta looga baahan yahay in ay hal meel iskaga soo wada
jeestaan wararka been abuurka ah, maadaama ay saameyn weyn ku leeyihiin
wadamada Carabta, isla markaana ay faafiyaan ururada argagixisada ah ama kuwa
diidan degenaanshaha.
Wasiirka ayaa ugu danbeyntii kula dar daarmay
Jaamacadda Carabta in ay Soomaaliya ka taageerto dagaalka ka dhanka ah
Al-Shabaab oo uu sheegay in laga yaabo in Soomaaliya ay ka dhalato xasilooni
buuxda isla markaana ay saameyn ku yeelato caalamka intiisa kale.
Ku dhawaaqista in magaalada Tripoli ee dalka Libya
ay noqon doonto xarunta warbaahinta ee Ururka Jaamacadda Carabta sanadkan, ayaa
waxay ku soo beegantay iyadoo ay isugu yimaadeen Wasiirada Warfaafinta ee
Ururkaasi.
The Information Minister, @DaudAweis has participated in a consultative meeting of #Arab information ministers held in #Tripoli, #Libya. The meeting focused on national media work in Arab states and promoting inter-Arab media cooperation.#Somalia pic.twitter.com/64CIGabJi3
— SNTV News (@sntvnews1) December 25, 2022
Comments
Post a Comment