Kadib markii dowladda Soomaaliya ay heshay xog ku saabsan xawaaladaha lacagaha loo diro ururka khawaarita ah, ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay ku dhawaaqday in ay la wareegtay 250 xisaabaad oo Bangi ah iyo 70 akoon oo lacagaha mobilada ah oo ku xirnaa Al Shabaab.
Shir jaraa’id oo uu
Axadan ku qabtay magaalada Muqdisho Wasiir ku xigeenka Wasaaradda
Warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa ku sheegay in Akoonada ay dowladdu
xayirtay la doonayay in lagu uruursado lacago baad ah. Dr. Cilmi Maxamed Nuur,
Wasiirka Maaliyadda Somaliya, ayaa ka codsaday ganacsatada inay laba jibaaraan
hubinta dadka lacagaha loo soo xawilo, isla-markaana ay ka digtoonaadaan
ganacsatada laga yaabo inay xiriir la leeyihiin Ururka Al Shabaab.
Dadaal lagu doonayo in lagu carqaladeeyo shabakadda
lacaha ee Al-Shabaab, dowladdu waxay xayirtay xisaabaadka Al-Shabaab ee
bangiyada qaranka iyo xawaaladaha bishii November ee sannadkii hore.
Degmooyinka Buuloburte iyo Jalalaqsi ee Hiiraan
Sabtidii, Al Shabaab ayaa saddex weerar oo is-miidaamin ah ka fulisay, waxaana ku
dhintay ku dhawaad 30 qof. Maalmaha fasaxa ah ayaa waxaa magaalada Buuloburte
isugu soo baxa dadweynaha ku dhaqan Jalalaqsi, Halgan iyo deegaanada kale ee ku
dhow, si ay halkaasi ganacsi uga sameeyaan.
Ka dib markii qof ismiidaamiyay oo ka tirsan Al
Shabaab ay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ku qarxiyay meel u dhow
masaajidka ugu weyn ee magaalada, ugu yaraan 18 qof oo ay ku jiraan 14 rayid ah
ayaa lagu dilay degmada Buuloburte. Markii uu qaraxu dhacay, ayaa dhowr ka mid
ah dadka wax ku noqday waxay ku sugnaayeen gudaha masjidka.
Sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya dhaqaalihii
Al-Shabaab ay u adeegsan jireen qorsheynta falalka argagixisanimada ayaa waxaa
caqabad ku noqday cunaqabateynta dhaqaale ee la saaray kooxda.
Comments
Post a Comment