Madaxweyne iyo wafdigiisa oo ka qeyb galay shirkii dib u heshiisiinta ee ka dhacaya magaalada Baydhabo.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay Asniintan, halkaasoo sidoo kale uu ka furmayo shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.
President has on Monday arrived in #Baidoa town where he was warmly received by the President of #Somalia’s #Southwest State federal and state level officials and members of the public. pic.twitter.com/6qjjkqOmgn
— SNTV News (@sntvnews1) January 16, 2023
Safarkii uu madaxweynuhu ku baxay awgeed, shirki
maanta Tallaadadan ka furmi lahaa ayaa dib loogu riixay berri. Sheekh AadanMadoobe, Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, ayaa horay u gaaray Magaalada
Baydhabo. Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale ah dhexdhexaadiyaha dhinacyada
siyaasadda ee maamulka Koonfur Galbeed.
Siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa lagu casuumay kulankaan, maadaama la saadaalinayo inuu ka soo bixi doono xal u helida arrintii soo ifbaxday intii uu xilka hayay Lafta Gareen. Kulankaan ayaa kusoo aadaya xili dowlada Federaalka Soomaaliya ay wado diyaar garow ay ugu jirto sidii ay u bilaabi lahayd howlgalo lagu xoraynayo deegaanada Koonfur Galbeed oo ay maamulaan Al-Shabaab. Xilligaan, Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in Qaranku uusan xamili karin colaadaha dhexdooda, marka ay Qaranku ku jirto xornimo.
Comments
Post a Comment