Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Betrayal in the South: The Silent Saudi Invasion Re-Igniting Yemen’s Nightmare

  Inkastoo dunidu ay aaminsaneyd in xabad-joojin jilicsan ay Yemen isku hayso, bishii Janaayo 2026 ayaa burburisay rajadaas. Magaalada dekeda ah ee Mukalla ee Koonfurta, oo mar ahaan jirtay meel ka nabdoon jiidaha dagaalka ee waqooyiga, ayaa hadda gubanaysa.  Duulaanka Sacuudiga ee Koonfurta Yemen  ayaa si dhab ah u furay bog cusub oo dagaalka ah, isagoo badalay xulafadii hore oo beegsanaya saaxiibadiisii hore. Tani ma ahan oo kaliya dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta; waa duulaan toos ah oo militari oo lagu qaaday Koonfurta, waxaana qiimaha bixinaya dadka rayidka ah. Iyadoo beesha caalamku ay indhaha ka laabanayso, cunaqabataynta bini'aadamnimo ayaa sii xumeynaysa xaaladda dadka ugu nugul. Go'doominta Gaajada: Hubka Dagaalka Laga soo bilaabo horraantii 2026, xogta la helay waa mid aan la inkiri karin:  in ka badan 17 milyan oo qof oo ku nool Yemen ayaa wajahaya cunto yari ba'an . Tani ma ahan masiibo dabiici ah; waa masiibo uu bani'aadamku sameeyay oo ay wadaan xannibaa...

Qaramada Midoobay waxay ku boorinaysaa tallaabo degdeg ah oo lagu soo afjarayo nafaqo-xumada ba'an ee carruurta

Qaramada Midoobay waxay ku boorinaysaa tallaabo degdeg ah oo lagu soo afjarayo nafaqo-xumada ba'an ee carruurta
Hay'adaha Qaramada Midoobay ayaa ku baaqaya in la qaado tallaabo degdeg ah oo lagu badbaadinayo carruurta u nugul dhibaatooyinka cuntada iyo nafaqada ee hadda jira. Waxay ka kooban yihiin Barnaamijka Cunnada Adduunka, UNHCR, UNICEF, Hay'adda Cuntada iyo Beeraha.

Hay'aduhu waxay soo saareen digniino sheegaya in carruurta danyarta ah ay sii wadi doonaan inay la kulmaan dhibaatada ugu badan ee gaajada taas oo ka dhalatay duruufaha sida abaaraha. Waxa ay ka digeen in hadii aan si deg deg ah wax looga qaban in ay dhici karto in dhibaatadu isu bedesho mid murugo leh.

15-ka waddan ee ay abaaruhu ku dhufteen ee ay Kenya ku jirto, hay’aduhu waxay dalbadeen in la sameeyo khariidado hawl-gal oo cad oo ka hortagga abaarta daran iyo daawaynta carruurta. Ethiopia, Somalia, South Sudan, Sudan, Chad, Mali, Niger, Nigeria, Afghanistan, Democratic Republic of the Congo, Haiti, Madagascar, iyo Yemen ayaa ka mid ah 14-ka kale.

Cuntada, caafimaadka, biyaha iyo fayadhowrka iyo sidoo kale ilaalinta bulshada, ayaa loo aqoonsaday inay yihiin meelaha ugu muhiimsan ee diiradda lagu saarayo ka hortagga iyo daaweynta carruurta. Hay’adaha ayaa daraasad ay sameeyeen ku sheegay in khalkhal ba’an uu ku yimid nidaamka cuntada adduunka, qiimaha cunnada ayaa cirka isku sii shareeraya,  cimilada oo aad u daranna ay sii kordhinayso cunto yarida iyo barakicinta bulshada.

Waxay ku andacoodeen in sicir bararka joogtada ah ee cuntada awgeed, haweenka iyo carruurtu aanay awoodin inay helaan cuntooyin caafimaad leh iyo nafaqeynta aasaasiga ah. Kuwaas la'aantood, saynisyahannadu waxay ka digayaan, wareegga xun ee nafaqo-xumada iyo caabuqa - midba midka kale ka sii daraya - wuxuu sii wadaa natiijooyin xun.

Marka loo eego "State of Security Food and Nutrition in the World Report" (SOFI, 2022), ugu yaraan 40 milyan oo carruur ah oo da'doodu ka yar tahay shan sano ayaa loo maleynayaa inay ku nool yihiin saboolnimo cunto oo aad u daran 15-ka waddan ee ay saamaysay. Intaa waxaa dheer, siddeed milyan oo qof ayaa la ildaran khasaare ba'an, iyo 27 milyan oo qof ayaa la kulma cunto yari aad u daran.

Maamulka ayaa sidoo kale ku boorrinaya in la keeno cuntooyin gaar ah oo nafaqeysan oo qayb ka ah nafaqeynta iyo tallaabooyinka ilaalinta bulshada, sida fitamiinnada la isku daray ee dufanka leh iyo cuntooyinka la isku daray. Sida laga soo xigtay Agaasimaha Guud ee WHO Tedros Ghebreyesus, "Dhibaatooyinka cunnada ee adduunka ayaa sidoo kale ah dhibaato caafimaad, waana wareeg xun: nafaqo-xumadu waxay keentaa cudur, cudurkuna wuxuu keenaa nafaqo-xumo."

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Betrayal in the South: The Silent Saudi Invasion Re-Igniting Yemen’s Nightmare

  Inkastoo dunidu ay aaminsaneyd in xabad-joojin jilicsan ay Yemen isku hayso, bishii Janaayo 2026 ayaa burburisay rajadaas. Magaalada dekeda ah ee Mukalla ee Koonfurta, oo mar ahaan jirtay meel ka nabdoon jiidaha dagaalka ee waqooyiga, ayaa hadda gubanaysa.  Duulaanka Sacuudiga ee Koonfurta Yemen  ayaa si dhab ah u furay bog cusub oo dagaalka ah, isagoo badalay xulafadii hore oo beegsanaya saaxiibadiisii hore. Tani ma ahan oo kaliya dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta; waa duulaan toos ah oo militari oo lagu qaaday Koonfurta, waxaana qiimaha bixinaya dadka rayidka ah. Iyadoo beesha caalamku ay indhaha ka laabanayso, cunaqabataynta bini'aadamnimo ayaa sii xumeynaysa xaaladda dadka ugu nugul. Go'doominta Gaajada: Hubka Dagaalka Laga soo bilaabo horraantii 2026, xogta la helay waa mid aan la inkiri karin:  in ka badan 17 milyan oo qof oo ku nool Yemen ayaa wajahaya cunto yari ba'an . Tani ma ahan masiibo dabiici ah; waa masiibo uu bani'aadamku sameeyay oo ay wadaan xannibaa...

Uganda iyo Imaaraadka Carabta Oo Xoojinaya Xiriirka Diblomaasiyadeed iyo Iskaashiga Maalgashiga

  Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa magaalada Kampala ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, iyo arrimaha diblomaasiyadda. Kulankan ayaa daba socda dadaallada joogtada ah ee labada dal ugu jiraan kobcinta xiriirkooda istiraatiijiga ah, iyadoo Imaaraadka Carabta uu yahay mid ka mid ah saaxiibbada waaweyn ee Uganda ee dhanka horumarinta dhaqaalaha iyo maalgelinta kaabayaasha. Xoojinta Iskaashiga Dhaqaale iyo Maalgashi Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii loo ballaarin lahaa maalgashiga Imaaraadka ee Uganda, gaar ahaan dhinacyada tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo wax-soo-saarka. Imaaraadka Carabta ayaa ah mid ka mid ah dalalka sida weyn u daneynaya suuqyada Afrika, iyagoo maalgelin xooggan ku sameeyay dalal badan oo qaaradda ah, Uganda-na waxay doonaysaa in ay ka faa'iid...

Guddoomiyaha Baarlamaanka Xirshabeele oo magacaabey guddiga qabashada doorashada Aqalka Sare.

Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed,  Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle    ayaa magacaabay xubnaha Xildhibaanada golaha Wakiilada qabashada doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Xubnaha uu magacaabay guddoomiye Luqmaan ayaa ka kooban 15 xubnood waxaana guddoomiyaha loo magacaabay Xildhibaan Faysal Axmedweli Xasan, halka guddoomiye ku xigeenkana loo magacaabay Xildhibaan Maxamuud Axmed Gacal. Xubnaha la magacaabay ayaa ka shaqeyn doona sidii Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle u dooran lahayeen Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadooda tahay Hirshabeelle. Halkan kaga bogo.

Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar , halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo qaadan doonta labo maalmood. Casumaad uu ka helay Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani, Madaxweynaha ayaa sahmin doona sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga guuleysta ee dhinacyada maalgashiga, diblomaasiyadda, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. “Booqashada Madaxweynaha waxa ay ku soo beegantay kadib markii MadaxweyneFarmaajo iyo Amiirka Qatar ay wadahadleen, waxaana ujeeddadu tahay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ee labada dal, Qatar waxay door muhiim ah ka tahay dib u dhiska Soomaaliya” Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi, Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada, ayaa ka warbixiyay socdaalka Madaxweynaha. Agaasimaha ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda socdaalka Madaxweynaha ee ...

Privacy Policy