Weerar isugu jira qaraxyo iyo rasaas oo ka dhacay Muqdisho, ayaa lagu dilay lix Al-Shabaab ah iyo shan qof oo rayid ah.
Sida ay sheegtay wasaaradda warfaafinta, ugu yaraan shan qof oo rayid ah ayaa ku dhintay kaddib markii xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay qarxiyeen bam ka hor inta aysan gudaha u gelin xarunta dowladda ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Abaare duhurnimadii ayaa rag ka tirsan kooxda ayaa
gudaha u galay dhismaha uu degan yahay duqa magaalada Muqdisho, waxaana ay
rasaas isweydaarsadeen ciidamada ammaanka, sida ay wasaaraddu sheegtay Axaddii.
Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay soo dhigtay barteeda Facebook, ciidamada
ammaanka ayaa dilay lix xubnood oo ka tirsan ururka hubaysan, waxaana ay
faarujiyeen agagaarka 6-dii maqribnimo.
#Warning Graphics:Security Forces concluded an operation at Benadir regional headquarters in #Mogadishu where terrorists attacked, on Sunday. All six terrorists who attacked the building were killed. 5 civilians were killed in suicide explosion at the entrance of the building. pic.twitter.com/kJPyC3FsvX
— SNTV News (@sntvnews1) January 22, 2023
Tan iyo markii dowladda uu madaxweynaha ka yahay
Xasan Sheekh Maxamuud ay billowday duullaanka ka dhanka ah kooxda xiriirka la
leh Al-Qaacida bishii Ogosto, Al-shabaab ayaa kordhisay weerarrada ay
geysanayaan taasoo astaan u ah adkeyntooda. “Qaraxa ayaa nagu dhego-furay
annagoo ku sugan xafiiska, waan ka baxsannay, rasaas ayaa ka dib dhacday, sida uu
Reuters u sheegay Faarax Cabdullaahi oo ka mid ah shaqaalaha xafiiska duqa
magaalada. Sida uu sheegay Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, oo ah agaasimaha Adeegyada
Ambalaasta Aamin, lix iyo toban qof ayaa ku dhaawacmay weerarka.
Xaafad ammaankeeda si aad ah loo adkeeyay oo ku taal
magaalada Muqdisho, ayaa dhismaha dowladda hoose waxaa ku yaalla xafiiska duqa
magaalada. Al-Shabaab ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in kadib
markii ay duqeymahaasi ku dileen ilaaladii dhismaha ay “dagaalyahanno lug ah ay
gudaha u galeen dhismaha”.
Kooxda hubaysan ayaa inta badan qaraxyo iyo weeraro ka
geysta guud ahaan dalka iyagoo la dagaalamaya dowlada tan iyo 2006-dii iyagoo
sheeganaayo shareecada islaamka.
TV-ga dowladda ee Jubbaland oo ka mid ah maamul
goboleedyada Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah baahiyay in ciidamada dowlad
goboleedyada iyo kuwa dowladda federaalka ay weerar ku qaadeen Al-Shabaab,
islamarkaana ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Janaay Cabdalle. Tani
waxay astaan u ahayd in dowladdu ay ballaarinayso duullaanka ka dhanka ah
kooxdan ee ku wajahan koonfurta Soomaaliya.
Comments
Post a Comment