Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) oo ah taliye ku xigeenka ee ciidamada Danab oo boqolaal guulo ka gaaray howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda bartamaha Soomaaliya ayaa lagu dilay weerar barqanimadii Jimcihi lagu qaaday xero ciidan oo ku taalla deegaanka Gal-cad ee dhawaan lagala wareegay.
Dowladda Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay qoyskii,
eheladii, asxaabtii, XDS, iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed Gaashaanle Xasan
Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) Jimcihii ku geeriyooday magaalada Galgacd ee
gobolka Galgaduud.Dagaalkii kadhacey degmada Galcad ee gobolka Galgaduud
The #Somali Government sent condolences to the family, friends, #SNA and all Somali people on the death of Major. Hassan Mohamed (Tuure) who martyred in #Galgacd town of #Galgadud region, on Friday. pic.twitter.com/l50egSGTRn
— SNTV News (@sntvnews1) January 20, 2023
Warar horudhac ah ayaa sheegaya in falaagada Al
Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga ciidamada kadib markii labo gaari oo
waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray afaafka hore ee saldhiga.
Waxaa jira warar sheegaya in askar kale ay ku dhinteen weerarka. Saldhigan
Milatari ayaa 375 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho ee
caasimadda Soomaaliya.
Saraakiisha Ciidamada Milatariga iyo kuwa Dowladda
ayaa ku tilmaamay Tuure in uu yahay geesiga aan loo heesin ee ka qeyb qaadanaya
ololaha dagaal ee ka dhanka ah Al Shabaab. Ciidamada dowladda ee ku sugan
gudaha xarunta ayaa la sheegay in ay iska caabiyeen weerarka Al Shabaab, ayna
ka joojiyeen dagaalyahanada in ay qabsadaan saldhiga, sida ay sheegtay
warbaahinta dowladda.
Al Shabab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan,
waxaana ay sheegeen inay ku dileen 159 ka tirsan ciidamada dowladda. Kooxda
fallaagada hubaysan ayaa taariikh u leh inay si weyn u buunbuuniyaan tirada
dhimashada oo aan si dhab ah loo xaqiijin karin. Maalmo ayaa ka soo wareegatay
markii faraca Al-Qaacidda lagala wareegay gacan ku heynta magaalooyinka
muhiimka ah ee Xarardheere iyo Galcad ee xarunta maamulka Galmudug.
Al Shabaab ayaa weeraro rogaal celis ah ku qaaday
askarta dowladda iyo maleeshiyaadka ee ku sugan degmooyinka dhawaan laga
saaray, iyagoo uga jawaabayay khasaara nafeet oo soo gaaray goobihii lagu
dagaalamay.
Comments
Post a Comment