Kadib howlgal saacadihii la soo dhaafay ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe ayaa waxa ay dib ula wareegeen labo tuulo oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe.
Ceelbiyoo iyo Ceel Cali Xasan oo ka tirsan gobolka
Galgaduud ayaa dib u helay xoriyadooda sida uu sheegay Korneel Saney Cabdulle
oo ah taliyaha guutada afaraad ee qeybta 27-aad ee ciidamada xoogga dalka.
Korneyl Saney Cabdulle waxa uu sheegay in intii ay howlgallada
socdeen ay Maleeshiyada Kooxda “Miino ku aaseen Wadooyinka ugu mashquulka badan
ee ay isticmaalaan dadka ku dhaqan Gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe,
kuwaasi oo isku xira Wabxo, Budbud iyo Galcad. Ciidamada ayaa sidoo kale
burburiyay dhufeysyadii kooxda Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Budbud ee
deegaanka Ceelbiyoo, Taliyaha ayaa yiri.
Degmada Galcad ayaa todobaadkii hore ciidamada
dowladda Soomaaliya ay xoreeyeen ugu yaraan toban beelood. Yaasiin Fareey iyo
Xasan Xuseen oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka federaalka ayaa booqday
xaafadaha ay maamusho dowladda ee degmada Galcad iyadoo dhinacooda ay ku
sugnaayeen saraakiil ciidan.
Howlgallada ka dhanka ah ururka argagixisada ah ee
Al-Shabaab ayaa wejigiisii labaad ka socda gobollada Hiiraan iyo Galgaduud,
iyadoo hadafku yahay in la xoreeyo deegaannada ugu dambeeya ee ay gacanta ku
hayaan maleeshiyada.
Comments
Post a Comment