Ciidanka badda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay 36 ugaarsato ajaaniib ah, sidoo kale waxa ay gacanta ku dhigeen doomo iyo kalluun.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa dacwad ciqaab ah ku soo oogay 36 Eedeysane oo Ajaanib ah, kuwaasi oo ay soo qabteen Ciidamada Badda Soomaaliya, xilli ay ku guda jireen kalluumeysi sharci darro ah oo ay ka wadeen biyaha Soomaaliya.
Intii uu socday howlgalka badda, ciidamada badda waxaa sidoo kale u suurtagashay in ay gacanta ku dhigaan labo doonyood oo siday ugu yaraan 30 tan oo kalluun ah, sida lagu sheegay war qoraal ah oo Isniintii la soo saaray.
Ka dib codsi ka yimid Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Maxkamaddu waxay xabsiga dhigtay dhammaan eedaysanayaasha, waxayna la wareegtay Kalluunkii weli saarnaa doomaha.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Ciidanka Badda Soomaaliya sida ay ugu heelan yihiin ilaalinta kheyraadka badda dalka, waxaana uu kula dar daarmay Ciidanka Badda Soomaaliya in ay kordhiyaan dadaalka ay ugu jiraan kaluumeysiga sharci darrada ah.
36 foreign crew of seized illegal fishing boat and 30 tones of fish they poached were brought to court in #Mogadishu, Office of the Attorney General said.These fishermen had been caught by Somali coast guard forces while fishing waters off #Somalia. pic.twitter.com/NM4D9B4yrw
— SNTV News (@sntvnews1) April 17, 2023
Warbixin ka soo baxday Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ayaa dabayaaqadii bishii hore lagu sheegay in lagu arkay Maraakiib Ajaanib ah oo si sharci darro ah uga kalluumeysanaya Badda Soomaaliya.
Tan iyo bishii Janaayo 2023, sida ay wararku sheegayaan, maraakiibtan waxay ka howlgalayeen Aagga Dhaqaalaha Gaarka ah (EEZ) ee Soomaaliya, taasoo khatar weyn ku ah sharciga qaranka ee kalluumeysiga mas'uuliyadda deegaanka, iyo sidoo kale dadka kalluumeysiga iyo hab-nololeedyada badda. oo dhan.
Comments
Post a Comment