Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Betrayal in the South: The Silent Saudi Invasion Re-Igniting Yemen’s Nightmare

  Inkastoo dunidu ay aaminsaneyd in xabad-joojin jilicsan ay Yemen isku hayso, bishii Janaayo 2026 ayaa burburisay rajadaas. Magaalada dekeda ah ee Mukalla ee Koonfurta, oo mar ahaan jirtay meel ka nabdoon jiidaha dagaalka ee waqooyiga, ayaa hadda gubanaysa.  Duulaanka Sacuudiga ee Koonfurta Yemen  ayaa si dhab ah u furay bog cusub oo dagaalka ah, isagoo badalay xulafadii hore oo beegsanaya saaxiibadiisii hore. Tani ma ahan oo kaliya dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta; waa duulaan toos ah oo militari oo lagu qaaday Koonfurta, waxaana qiimaha bixinaya dadka rayidka ah. Iyadoo beesha caalamku ay indhaha ka laabanayso, cunaqabataynta bini'aadamnimo ayaa sii xumeynaysa xaaladda dadka ugu nugul. Go'doominta Gaajada: Hubka Dagaalka Laga soo bilaabo horraantii 2026, xogta la helay waa mid aan la inkiri karin:  in ka badan 17 milyan oo qof oo ku nool Yemen ayaa wajahaya cunto yari ba'an . Tani ma ahan masiibo dabiici ah; waa masiibo uu bani'aadamku sameeyay oo ay wadaan xannibaa...

Gobolka Hiiraan waxaa ka bilowday wajigii labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Gobolka Hiiraan waxaa ka bilowday wajigii labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Kadib markii maalintii Khamiista ee lasoo dhaafay uu gobolka Hiiraan ka furmay wajigii labaad ee howlgalka la dagaalanka Al-Shabaab ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya maleeshiyo beeleed deegaanka waxa ay ka xoreeyeen tuulooyin dhowr ah oo ku yaalla koonfurta magaalada Beledweyne.

Cali Jeyte Cismaan oo ah guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa kormeeray howlgalka ka socda koonfurta degmada Baledweyne. Wabiga Shabelle ayaa waxaa iska kaashaday ciidamada Macawisley iyo ciidamada dowladda.

10 Doomood oo Al-shabaab ay ku doonayeen in ay ku sii jeediyaan Bariga Gobolka Hiiraan ayaa la sheegay in ay quusiyeen Ciidamada isku dhafka ah. Sidoo kale ciidamada ayaa gabi ahaan la wareegay fariisimo ay ciidamada Al-Shabaab ku lahaayeen goobo ay ka mid yihiin Beerxaane, Tarashaante, Ceelahale iyo kuwo kale.

Kadib markii la soo gaba gabeeyay howlgaladii haatan ka socday Koofurta Gobolka Baledweyne ee ku teedsan Wabiga Shabeelle ayaa Guddoomiye Jeyte waxa uu shaaca ka qaaday in uu bilaaban doono howlgalka ka socda Galbeedka Gobolka Hiiraan.

Dowladaha Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya ayaa ciidamo dheeraad ah u soo diri doona Soomaaliya si ay u caawiyaan ciidamada Soomaaliya wejiga labaad ee dagaalka lagula jiro Al Shabaab, sida ay sheegeen falanqeeyayaasha gudaha. Si loo sii daayo beelihii ugu dambeeyay ee gacanta ugu jiray Al Shabaab, ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jabuuti ayaa la filayaa inay saldhigyo ku yeeshaan gobolka Hiiraan.

Maalin kadib markii ay dowladdu ku dhawaaqday in uu billowday wejigii labaad ee duullaanka ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobollada dhexe, ayaa sidoo kale ciidamada dowladda Soomaaliya ay Jimcihii dib u qabsadeen degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Mid ka mid ah fariisimaha Al Shabaab ay ku leeyihiin Gobolka Galgaduud, ayaa waxaa gudaha u galay Ciidanka Kumaandooska ee loo yaqaano Danab oo lagu tababaray Mareykanka. Tan iyo markii ay isaga baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya toddobaadyo ka hor, waxaa degmadaas maamulayay Al-shabaab.

 

 

Wakiilada dowladda ayaan wax hadal ah ka soo saarin howlgalka. Dhowr maalmood ayaa laga joogaa markii ay isaga baxeen dadkii ku sugnaa degmada, lamana oga tirada dadka ku dhintay colaadda.

Shan askari ayaa lagu dilay degmada Galcad intii uu socday weerarkii Al Shabaab bishii Janaayo, waxaana ku jiray Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan (Ture) oo ahaa taliye ku xigeenka ciidanka Kumaandooska ee Danab. Khubarada dhanka ammaanka ayaa sheegaya in markii uu falkaasi dhacay kadib ciidamada dowladda ay isaga baxeen deegaanka, oo Shabaab ay dib ula wareegeen.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Betrayal in the South: The Silent Saudi Invasion Re-Igniting Yemen’s Nightmare

  Inkastoo dunidu ay aaminsaneyd in xabad-joojin jilicsan ay Yemen isku hayso, bishii Janaayo 2026 ayaa burburisay rajadaas. Magaalada dekeda ah ee Mukalla ee Koonfurta, oo mar ahaan jirtay meel ka nabdoon jiidaha dagaalka ee waqooyiga, ayaa hadda gubanaysa.  Duulaanka Sacuudiga ee Koonfurta Yemen  ayaa si dhab ah u furay bog cusub oo dagaalka ah, isagoo badalay xulafadii hore oo beegsanaya saaxiibadiisii hore. Tani ma ahan oo kaliya dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta; waa duulaan toos ah oo militari oo lagu qaaday Koonfurta, waxaana qiimaha bixinaya dadka rayidka ah. Iyadoo beesha caalamku ay indhaha ka laabanayso, cunaqabataynta bini'aadamnimo ayaa sii xumeynaysa xaaladda dadka ugu nugul. Go'doominta Gaajada: Hubka Dagaalka Laga soo bilaabo horraantii 2026, xogta la helay waa mid aan la inkiri karin:  in ka badan 17 milyan oo qof oo ku nool Yemen ayaa wajahaya cunto yari ba'an . Tani ma ahan masiibo dabiici ah; waa masiibo uu bani'aadamku sameeyay oo ay wadaan xannibaa...

Uganda iyo Imaaraadka Carabta Oo Xoojinaya Xiriirka Diblomaasiyadeed iyo Iskaashiga Maalgashiga

  Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa magaalada Kampala ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, iyo arrimaha diblomaasiyadda. Kulankan ayaa daba socda dadaallada joogtada ah ee labada dal ugu jiraan kobcinta xiriirkooda istiraatiijiga ah, iyadoo Imaaraadka Carabta uu yahay mid ka mid ah saaxiibbada waaweyn ee Uganda ee dhanka horumarinta dhaqaalaha iyo maalgelinta kaabayaasha. Xoojinta Iskaashiga Dhaqaale iyo Maalgashi Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii loo ballaarin lahaa maalgashiga Imaaraadka ee Uganda, gaar ahaan dhinacyada tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo wax-soo-saarka. Imaaraadka Carabta ayaa ah mid ka mid ah dalalka sida weyn u daneynaya suuqyada Afrika, iyagoo maalgelin xooggan ku sameeyay dalal badan oo qaaradda ah, Uganda-na waxay doonaysaa in ay ka faa'iid...

Guddoomiyaha Baarlamaanka Xirshabeele oo magacaabey guddiga qabashada doorashada Aqalka Sare.

Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed,  Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle    ayaa magacaabay xubnaha Xildhibaanada golaha Wakiilada qabashada doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Xubnaha uu magacaabay guddoomiye Luqmaan ayaa ka kooban 15 xubnood waxaana guddoomiyaha loo magacaabay Xildhibaan Faysal Axmedweli Xasan, halka guddoomiye ku xigeenkana loo magacaabay Xildhibaan Maxamuud Axmed Gacal. Xubnaha la magacaabay ayaa ka shaqeyn doona sidii Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle u dooran lahayeen Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadooda tahay Hirshabeelle. Halkan kaga bogo.

Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar , halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo qaadan doonta labo maalmood. Casumaad uu ka helay Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani, Madaxweynaha ayaa sahmin doona sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga guuleysta ee dhinacyada maalgashiga, diblomaasiyadda, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. “Booqashada Madaxweynaha waxa ay ku soo beegantay kadib markii MadaxweyneFarmaajo iyo Amiirka Qatar ay wadahadleen, waxaana ujeeddadu tahay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ee labada dal, Qatar waxay door muhiim ah ka tahay dib u dhiska Soomaaliya” Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi, Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada, ayaa ka warbixiyay socdaalka Madaxweynaha. Agaasimaha ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda socdaalka Madaxweynaha ee ...

Privacy Policy