Isniintii, Soomaaliya iyo Uganda waxa ay sheegeen in ciidamada ammaanka ee Bariga Afrika ay ka hortageen weeraro argagixiso oo ka dhici lahaa magaalo madaxdooda. Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa waxay ka hortagtay weerar ay Shabaabku ku qaadeen Beerta caanka ah ee Beerta Nabadda, oo ku dhow Madaxtooyada Somaliya.
#UPDATE: The special forces of National Intelligence and Security Agency seized Tuk-Tuk and multiple explosive devices including suicide vests, primed for use in a terror attack to target #Mogadishu’s Peace Garden, on May 6.#Somalia pic.twitter.com/onI8sfJ8v3
— SNTV News (@sntvnews1) May 8, 2023
Sida ay sheegtay Wasaaraddu, intii uu socday
howlgalka ayaa Saraakiisha Nabadsugida waxa ay soo heleen gaari nooca loo
yaqaan 'Rickhaw' oo la qorsheeyay in lagu fuliyo weerarka iyo sidoo kale
jaakadaha ismiidaaminta ah. Ciidamada ammaanka ee dalka Uganda ayaa xabsiga
dhigay lix qof oo lagu eedeeyay in ay wateen walxaha qarxa oo la doonayay in
loo adeegsado dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladda oo ka dhacay caasimadda
dalkaasi ee Kampala.
Maj. Charles Kabona, oo ah afhayeenka ciidamada
difaaca Uganda, ayaa sheegay in subaxnimadii isniinta, la qaaday tallaabooyin
wadajir ah oo looga jawaabayo tilmaanta. Ururka u dhaqdhaqaaqa xoriyada Uganda
ayaa dalbaday mudaaharaadyada la qorsheeyay in ay ka dhacaan guud ahaan dalka
si looga jawaabo dhaqaale xumida iyo musuq maasuqa haysta qaranka.
Ammaanka magaalada Kampala iyo nawaaxigeeda ayaa la
adkeeyay si loo baajiyo dibadbaxayaasha kadib markii maamulka uu ku tilmaamay banaanbaxa
mid sharci darro ah. Marka laga soo tago qabashada raggan, booliiska ayaa
warbaahinta u sheegay goobta uu dilku ka dhacay inay sidoo kale gacanta ku
dhigeen 12 dhalo oo khamri ah, boodh dhuxul ah, sokor, jerrykaan shidaal ah,
sanduuqyo kabriid ah, koofiyadda qaraxa, dynamite, iyo shumaca.
Ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab oo xiriir la
leh Al-Qaacida, isla markaana dagaal kula jira dowladda Soomaaliya iyo ciidamada
Midowga Afrika tan iyo sannadkii 2007-dii, ayaa weeraro khasaare geystay ka
geystay dalalka Soomaaliya iyo Uganda.
Comments
Post a Comment