Madaxweynayaasha Kenya iyo Jabuuti ayaa xoogga saaray bixitaanka ATMIS iyo awoodaha amniga soomaaliya
Shir jaraa’id oo ay labada madaxweyne ee Kenya iyo Jabuuti ku qabteen magaalada Jabuuti ayaa waxay ku sheegeen inay ka soo horjeedaan qorshe kasta oo lagu soo afjarayo ciidamada ka jooga Soomaaliya, haddii aan Soomaaliya la siin dammaanad ah inay si hufan ula dagaallami karto Al-shabaab.
Sida ku cad Qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu
yahay 2670, Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS)
ayaa si tartiib tartiib ah ugu wareejin doona mas’uuliyadaha amniga ciidamada
ammaanka ee Soomaaliya, taasoo qayb ka ah hirgelinta Qorshaha Kala-guurka ee
Soomaaliya iyadoo 2,000 oo shaqaale ah laga saarayo 30ka Juunyo.
Guusha AMISOM, oo ah tii ka horreysay ATMIS, ayaa
Ruto iyo Geelle ay ku nuuxnuuxsadeen in ay muhiim u tahay in la sii wado. “Waxaan
ku heshiinay in shir madaxeedka IGAD ee soo socda in looga hadlo qorshaha kala
guurka Soomaaliya iyadoo la ilaalinayo guulaha ay gaarayaan AMISOM/ATMIS,” ayaa
lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay dal ay ciidamo ugu deeqaan howlgalka
Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).
Ka bixitaanka, ayay sii raacisay, waa inay
xaqiijisaa in ciidamada ammaanka Somaliya ay la wareegaan gacan ku haynta
Gobolada laga saaray Ururka xagjirka ah ee Shabaab. Dhanka gobolka, waxaan dib
u xaqiijinay rabitaankeena aan wadaagno ee ah horumarinta nabadda iyo
xasiloonida Geeska Afrika, sida uu sheegay Ruto.
Hawlgalka Nabadda ee Midowga Afrika waa inuu ka
baxaa Soomaaliya ugu dambeyn Diseembar 31, 2024. Labada ATMIS iyo Dowladda
Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale caddeeyey in ay ka go’an tahay in ay gacan
ka geystaan sidii si hagar la’aan ah loogu wareejin lahaa mas’uuliyadda
amniga Soomaaliya.
Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Mohamed
El-Amine Souef iyo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya
Daud Aweis ayaa sheegay in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab looga xoreynayo
deegaannada ay weli gacanta ku hayaan ay ka socdaan qeybo kala duwan oo dalka
ka tirsan, xilli ay si wada jir ah shir jaraa’id u qabteen. 8-da June ayaa lagu
qabtay xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.
Souef, oo sidoo kale ah madaxa ATMIS, ayaa yiri,
"Waxaan rabaa inaan xaqiijiyo sida ay nooga go'an tahay fulinta wareejinta
mas'uuliyadda amniga ee lagu wareejinayo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya si
waafaqsan Qorshaha kala-guurka ee Soomaaliya iyo go'aannada Golaha Ammaanka ee
Qaramada Midoobay." Marka ay tagaan ciidamada ATMIS-ka, danjire Souef waxa
uu kalsooni ka muujiyay in DFS ay uruurisay ciidamo ku filan oo la wareegi kara
howlaha amniga.
“Runtii waxaan hubaa xirfadda ciidamada Nabadsugida Soomaaliya, sida uu sheegay, ciidanka XDS waxay soo bandhigeen awood kororsi oo ay ku fulinayaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada sanadkii la soo dhaafay.”Waxaan si kal iyo laab ah ugu ammaanayaa hoggaanka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud xaqiijinta awood-abuurista iyo diiwaan gelinta qaybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed dagaalka lagula jiro Al-shabaab."
Wasiir Aweis ayaa ku bogaadiyay ciidamada ammaanka
Soomaaliya sida ay ugu adkeysanayaan ilaalinta nidaamka iyo xasiloonida guud
ahaan dalka, waxa uuna kula dar daarmay hay’adaha amniga in ay sii wadaan wada
shaqeynta looga hortagayo khatarta Al-Shabaab. “Sida aad la wada socotaan waxaa
dalka oo dhan ka socda howlgallada lagu burburinayo Al-Shabaab, waxaa sidoo
kale la filayaa in wejiga labaad ee howlgallada dowladda Federaalka Soomaaliya
ay billaabaan dhawaan,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Wasiirka ayaa ka warbixiyey waxqabadyo dhowr ah oo
ay sameeyeen mas’uuliyiinta iyo hay’adaha dowladda si loo dammaanad qaado in
shacabka Soomaaliyeed ay ku noolaadaan jawi nabdoon oo xasilloon. Labada
mas’uul ayaa salaan ka qaatay Catriona Laing oo ah ergeyga cusub ee xoghayaha
guud ee Qaramada Midoobay u soo magacaabay Soomaaliya, waxayna ballan qaadeen
in ay la shaqeyn doonaan ururka si loo xasiliyo dalka.
Comments
Post a Comment