AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntan ay iska kaashadeen dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana duqeynta ay ka dhacday deegaan fog oo ku dhow deegaanka Dhardhaar oo qiyaastii 81-KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
"Soomaaliya ayaa weli muhiim u ah ammaanka Bariga Afrika. Ciidamada Maraykanka ee Afrika waxay sii wadi doonaan tababaridda, latalinta iyo qalabaynta ciidamada saaxiibada la asih, ay u soo qabtaan ISIS." ayaa lagu yiri bayaanka AFRICOM.
Ma jiro wax khasaare ah duqeyntan kasoo gaaray dadka rayidka ah, sida ay sheegtay AFRICOM.
Comments
Post a Comment