Danjiraha cusub ee dalka Hindiya Virander Kumar Paul ayaa Madaxweynaha dalka Soomaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ka guddomey warqada aqoonsigalaga oona soo dhoweyey.
Danjiraha cusub ee dalka Hindiya Virander Kumar Paul ayaa Madaxweynaha dalka Soomaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ka guddomey warqada aqoonsigalaga oona soo dhoweyey.
Madaxweynaha
Soomaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka
guddoomay Danjiraha cusub ee
Danjire
Kumar ayaa soo gaarsiiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dhambaal iyo
salaan uu uga siday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi India, waxa
uuna tilmaamay in uu ka shaqayn doono xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii
loo sii amba-qaadi lahaa iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal. Danjiraha
ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliya uga mahadceliyay soo dhaweynta wanaagsan
ee ay ku qaabileen, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyey kobaca iskaashiga
labada dal ee dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga iyo isu-socodka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Danjiraha
Dowladda India horumarka muuqda ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ku
tallaabsadeen muddadii la soo dhaafay, gaar ahaan dib u habeynta laamaha
ammaanka, dhaqaalaha, dayn cafinta, dib-u-dhiska ciidamada, xoojinta
dimoqraadiyadda, la dagaalanka argagixisada iyo musuq-maasuqa. Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjiraha cusub ugu
hambalyeeyay xilka loo magacaabay, isaga oo u xaqiijiyay in uu kala kulmi doono
shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed wada-shaqayn iyo soo dhaweyn wanaagsan.
Comments
Post a Comment