Malaga yaaba in Doorashada Somalia ay wakhtigeeda ku dhacdo o Somalia bog cusub u furmo.
Shacabka Soomaaliyeed waxey cabsi weyn kaqabaan in doorashada wakhtigeeda ku qabsoomi weydo oona dib loogu laabto burbur hor leh. Somalia waxa ay dagaalo sokeeya ah kujirta 1991 illa iyo manta wali lakala bixin. Somalia dagaaladeeda waxey ku billaabantay isku dhac siyaasadeed waxeyna iskubedeshey qolo qolo ay ku baaba een shacabka soomaaliyeed, qaarna ay u qaxeen dalalka deriska ah, qaarna ayago tahriibayo duurka dugaagta ay ku cuntey sidokale badaha ku dhinteen. Somalia maanta waxey mareysa in ay joogan wadan kasta aduunka ka mid ah ayago rafaat kutagey ama lagu gacan qabtey. Qofwalba Somali ah haddi laweydiyo maanta rajada ay kaqabaan Somalia waxey galinayaan shaki weyn in ay dib u helaan nabad waarta. Dadyoowga Somalia waa dad isku eg qaab ahaan, kalar ahaan iyo diin ahaanba haddana ma isku fahmaan siyaasada. Maanta dalkeena wuxu kujira xaalad siyaasada sii xumaaneyso ayna u muuqatey mar in did loogu laabtey burburki jirey in ay kadareysay. Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomalia Mohamed Hussein Rooble ayaa hadda furasada weyn gacanta u saaran tahay in u musharaxiinta dalka uu dhexdhexaadiyo oona ku dhameeyo doorshada ayado ah mid hor iyo xalaal ku dhamaata.
Akhriste maxaad u maleynaysa fikradada nala wadaag adigo mahadsan.
Comments
Post a Comment