Qarax weyn kadhacey magaalada Baydhabo shalley ayaa ugu yaraan kugeeriyootey saddex ruux 15 kalana ay kudhaawacmeen. Qaraxa ayaa u kadhacey suuqa qaadka lagu iibiyo. waxa la dhigey bartamaha suuqa qaadka xilli dad badan ay ku sugnaayeen gudaha suuqa. dadka dhaawacmay ayaa waxaa la geeyay isbitaalka magaalada Baydhabo iyadoo dadka dhaawacyada soo gaaray ay ka mid yihiin haween iyo carruur. Mas’uuliyiin u hadashay maamulka gobolka Bay ayaa waxa ay ku eedeeyeen in qaraxa ay ka dambeeyeen ururka Alshabaab.
Qaraxa ayaa lala beegsady meel maqaayad ah kutiiley bartamaha suuqa. mas'uuliyiinta magaalada aya baritaano kuwado walina majirto cid sheegatey masuuliyada qaraxaasi.
si aan idinkugu soo gudbinno fadlan halkan nagala soco.
Comments
Post a Comment