Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa dacwad ku soo oogay Wasaaradda Batroolka kadib markii ay heshiisyo sharci darro ah la gashay shirkado shidaal
War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa lagu laalay heshiiskii ay wasaaradda batroolka iyo macdanta Soomaaliya la gashay shirkadda shidaalka baarta ee Coastline Exploration Ltd, oo laga leeyahay dalka Mareykanka, iyadoo xafiiska Hantidhowrku uu wasaaradda iyo hay’adaha ay khusayso ogaysiiyay in uu heshiiskaasi yahay waxba kama jiraan.
Sidoo kale qoraalka Hantidhowraha dalka waxaa lagu shaaciyey in gal-dacwadeed uu u gudbiyay Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud ee Qaranka, si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado ciddii ku lugta lahayd. Sidoo kale Hantidhowraha ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble kula taliyay in shaqa ka joojin lagu sameeyo dhammaan shaqsiyaadkii qabyta ka ahaa saxiixa heshiiskaas.
The office of the Auditor General has lodged a legal case with office of the Attorney General against Ministry of Petroleum for signing unlawful agreement with Oil Companies to explore for hydrocarbons offshore Somalia.#Somalia pic.twitter.com/vvomuX1MCb
— SNTV News (@sntvnews1) February 20, 2022
Comments
Post a Comment