Laga bilaabo bishan April 15-da ee sanadkan 2024-ka waxay Dowladda Türkiye dhaqan gelin doontaa Sharci culus oo lagu soo rogay Dhoofayaasha Transit ku sii ah Garoonka Diyaaradaha ee Istanbul Airport, kuwaasi oo ku sii wajahan dalalka Mexico, Panama, Columbia iyo Venezuela. Dowladda Türkiye ayaa qaadatay Sharciga Cusub, si looga hortago Muhaajiriinta an caadiga ahayn ee ku sii qulqulayo dalalkaasi, si ay uga sii gudbaan Xuduudaha Maraykanka. Shabakadda Wararka ee VisaGuide.World ayaa qortay inuu dalka Türkiye noqday Ubucda Waddan Transit ahaan looga sii gudbo dalalka kale ee Caalamka. Sharcigan Cusub waxa uu saamaynayaa Dhoofayaasha Transit-ka ku sii mara Garoonka Istanbul Airport ee ku sii wajahan dalalka Mexico, Panama, Columbia iyo Venezuela. Muwaadiniinta dalalka Somalia, Yemen, Chad, Cameroon, Mauritania, Burkina Faso, Guinea, Afghanistan, India iyo Nepal ee Transit-ka ku sii marayo Garoonka Diyaaradaha Istanbul Airport ayaa waxaa waajib looga dhigay inay haystaan Fiisaha Ele...
Comments
Post a Comment