Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika Danjire Bankole Adeooye.
Madaxweynaha
iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo
iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Afrika, dagaalka ka dhanka ah argagixisada,
shaqada mustaqbalka ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, xaaladda guud ee
amniga iyo horumarka gobolka.
Danjire
Bankole Adeoye, Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga Midowga
Afrika oo uu wehliyo Danjire Francisco Madeira, Madaxa Ergayga Midowga Afrika
ee Soomaaliya, ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha sida wanaagsan ee uu u soo
dhaweeyay, wuxuuna bogaadiyay horumarka ay dowladda Soomaaliya ka sameysay
geeddi-socodka doorashooyinka. amniga qaranka, iyo la dagaalanka argagixisada.
Mudane
Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda
iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise, Agaasimaha Guud ee
Madaxtooyada, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradaha XFS ee ku howlan
howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ku wehliyey Madaxweynaha.
H.E @M_Farmaajo hosts AU delegation led by @AUC_PAPS Chair @Bankole_Adeoye & @AmbFMadeira. The President shared progress & priority areas in securing Somalia & tackling terrorism. Amb Bankole denoted FGS's remarkable efforts in fighting Alshabaab during this period of elections pic.twitter.com/qLRaVGwJsh
— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) February 27, 2022
Comments
Post a Comment