Mudane. Balal Maxamed Cusmaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyoIskaashiga Caalamiga, ayaa sheegay in qurba-joogta Soomaaliyeed ay kaalin mug leh ka qaateen dib u soo kabashada dhaqaalaha, dib u soo celinta iyo maalgashiga dalka, sida uu sheegay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo khudbad ka jeediyay shirka.
kulan
ay maanta oo Isniin ah Muqdisho ku yeesheen guddiga la-talinta wasaaradda,
Safiiro hore iyo dublamaasiyiin khibrad u leh oo ka kooban guddiga la-talinta
ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, kaasoo uu guddoomiye u
yahay Danjire Dr. Cilmi Axmed Ducaale, waxayna howlo heer sare ka hayaan
wasaaradda.
Agaasimaha Waaxda Qurbajoogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ibraahim Guure Maxamed, ayaa uga mahad-celiyay Hay’adda IOM oo fududaysay hawlaha kala duwan ee ay Waaxdaasi waddo, isagoo xusay in Kooxdiisu ay uruurineyso soo jeedinnada iyo fikradadaha la soo gudbiyay si ay isku dheeli-tiraan oo ay ugu daraan Siyaasadda Qaran ee Qurbajoogta oo la filayo in si rasmi ah loo soo bandhigo dhammaadka bisha May.
Comments
Post a Comment