Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo qaadan doonta labo maalmood.
Casumaad uu ka helay Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani,
Madaxweynaha ayaa sahmin doona sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal
iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga guuleysta ee dhinacyada maalgashiga,
diblomaasiyadda, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
“Booqashada Madaxweynaha waxa ay ku soo beegantay kadib markii MadaxweyneFarmaajo iyo Amiirka Qatar ay wadahadleen, waxaana ujeeddadu tahay sidii loo
sii xoojin lahaa xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ee labada dal, Qatar
waxay door muhiim ah ka tahay dib u dhiska Soomaaliya” Mudane Cabdirashiid
Maxamed Xaashi, Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada, ayaa ka warbixiyay
socdaalka Madaxweynaha.
Agaasimaha ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda socdaalka Madaxweynaha ee
mustaqbalka iskaashiga labada dal, isagoo xusay in Madaxweyne Farmaajo iyo
Amiir Tamim ay ka wadahadli doonaan horumarradii ugu dambeeyay ee gobolka iyo
sidoo kale danaha guud ee labada shacab ee walaalaha ah.
The President of Somalia @M_Farmaajo has on Saturday arrived in #Qatar on two-day working visit. During the visit the President will hold talks with the Amir of Qatar, @TamimBinHamad.#Somalia pic.twitter.com/bS1FU7Se19
— SNTV News (@sntvnews1) March 5, 2022
Comments
Post a Comment