Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dib markii uu casuumaad ka helay Madaxweyne Uhuru Kenyatta, waxa uu u ambabaxey dalka Jamhuuriyadda aan deriska nahay ee Kenya. Mudane Maxamuud ayaa socdaal ku maraya qaar ka mid ah wadamada gobolka si uu u sii xoojiyo xiriirka uu la leeyahay dowladahaas iyo xaqiijinta heshiiska Soomaaliya ay la gashay dalalka deriska la ah.
Madaxweynaha ayaa dhigiisa Kenya Uhuro Kenyatta kala
hadli doona sidii loo horumarin lahaa iskaashiga iyo wanaaga labada dhinac, si
ay uga jawaabaan dhibaatooyinka isbedalka cimilada, abaaraha, amniga iyo
dhaqaalaha.
Ku raadinta danaha shacabka Soomaaliyeed ee ku
dhisan iskaashiga iyo wax wada qabsiga ayaa waxaa si gaar ah isha ugu haya
madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Taasi waxay horseed u tahay horumarinta
geeddi-socodka iskaashiga labada dawladood iyo raadinta danaha wadaagga ah ee
labada shacab ee deriska ah, xoojinta xasilloonida, horumarka, iyo iskaashiga.
Awoodda dadweynaha ee gobolka si ay u noolaadaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Nairobi waxa
uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada
Soomaaliyeed si uu u ogaado xaaladda ay ku sugan yihiin iyo duruufaha ku
xeeran, isla markaana uu talooyinkooda u weydiiyo. xasiloonida iyo kobaca
qaranka.
President @HassanSMohamud has on Friday traveled to #Nairobi, #Kenya on an official state visit. During the visit, the President will discuss his Kenyan counterpart Uhuru Kenyatta on strengthening cooperation and relations between the two countries.#Somalia pic.twitter.com/8LqAMrrRUJ
— SNTV News (@sntvnews1) July 15, 2022
Comments
Post a Comment