Mareykanka ayaa ku bixin doona $1.2 bilyan oo dheeraad ah oo
gargaar bini'aadantinimo ah oo la siinayo dhibanayaasha abaarta Geeska Afrika.
Samantha Power, oo ah madaxa USAID, ayaa sheegtay in lacagtan loo isticmaali
doono gargaar cunto, gargaar lacageed oo degdeg ah, tallaalo, iyo dawooyin.
haweenka iyo carruurta jiran.
Waxay sheegtay in lacagtan ay tahay mid looga hortagayo macluusha Geeska Afrika, waxayna ku boorisay caalamka oo uu Shiinuhu ka mid yahay inay xaliyaan cunno yarida ka dhalatay dagaalka Ruushka ee kala dhexeeyo Ukraine.
Samantha Power ayaa sheegtay in Soomaaliya, Itoobiya, iyo Kenya ay ka jiraan abaarihii ugu darnaa. Waxay booqan doontaa Geeska Afrika dhammaadka usbuucan si ay u qiimeyso xaaladda. Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ayaa waxaa ka jira abaartii ugu darneyd muddo ku dhow 50 sano.
The #US Government said that it is providing an additional $1.2B in humanitarian assistance to the Horn of Africa. Amidst a historic food crisis and severe droughts ravage the region.#Somalia pic.twitter.com/SRT3jsar5i
— SNTV News (@sntvnews1) July 19, 2022
Comments
Post a Comment