Weerarkii lagu qaaday Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddo 30 saacadood ah kadib joojiyay ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya.
Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowladdaSoomaaliya oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP, dhammaan dableydii weerarka
ka geysatay gudaha hoteelka ayaa geeriyootay. Waxa uu shaaca ka qaaday in
maamulku uu ka hadli doono howlgalkaasi xilli uu saaka shir jaraa’id qabtay.
Dhacdadan ayaa galaaftay nolosha ugu yaraan 20 qof,
hase yeeshee xisaabaadka qaar ayaa tilmaamaya in tiradaasi ay intaas ka badan
karto. Si ay u galaan Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, waxa ay kooxihii
dilka geystay ay adeegsadeen walxaha qarxa.
Hoteelka ayaa waxaa soo gaaray burbur xooggan oo ka
dhashay bambaanooyinka culculus ee ciidamada ammaanka ay ku garaaceen, waxaana
muuqaalka laga soo duubay holac iyo qiiq ka baxayay saqafka sare ee dhismaha.
The @UN in #Somalia strongly condemns the terrorist attack on the Hayat Hotel in #Mogadishu, and expresses its solidarity with all #Somali people and Government in their fight against #terrorism.#Somalia pic.twitter.com/36lq5KLwYp
— SNTV News (@sntvnews1) August 20, 2022
Comments
Post a Comment