Ciidamada Puntland ayaa weerar ku qaaday ciidamada Somaliland ee sugaya ammaanka, sida uu sheegay taliyaha guutada 135-aad ee ciidamada Somaliland ee degmada Buuhoodle Sareeye Gaas Cabdillaahi Dhagaweyne. Sida uu sheegay Gaashaanle Dhagaweyne, “Ciidanka Puntland waxay ku bilaabeen weerar laba jiho ah, qaar waxay la beegsadeen ciidamo boolis ah, qaarna waxay weerareen ciidamada Daraawiishta.
Sidoo kale, Sarreeye Gaas Dhagaweyne ayaa ku andacooday in dagaalku ku qabsaday gaadiid dagaal, isla markaana uu dhaawac soo gaadhay askari ka tirsan ciidamada Somaliland, balse HOL si madax-banaan uma xaqiijin hadalkaas.
Tan iyo markii ciidamada Somaliland iyo Puntland ay si taariikhi ah isaga kaashanayeen deegaanka Buuhoodle, ma jirin wax dagaal ah oo ka dhacay degmada Buuhoodle ee gobolka Sool. Abshir Cabdi Jaamac oo ah taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa dowladda gooni u goosadka ah ee Somaliland ku eedeeyay bishii November inay maalgeliso ururada argagixisada iyo dambiilayaasha Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya.
Hase-yeeshee, Taliyaha Ciidanka Millateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ku gacan-saydhay dhaleecayn loo jeediyey, waxaanu sheegay in dalkiisu doonayo inuu xidhiidh wanaagsan la yeesho dalalka deriska la ah. Taani oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in iyadoo dowladiisa ay dooneyso inay ka fogaato dagaal ay la gasho Puntland, hadana ay diyaar u tahay inay iska caabiso weerarka.
Comments
Post a Comment