Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Dadaalka Dib loogu Bilaabayo Gargaarka Cunnada ee Soomaaliya iyo Mas’uuliyadda ay Qaadatay Dowladda Federaalka

  Dowladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday go’aan muhiim ah oo dib loogu furayo gargaarkii cunnada ee Hay’adda Cunnooyinka Adduunka (WFP) ay ka fulin jirtay Soomaaliya. Tallaabadan ayaa timid ka dib markii uu hakad ku yimid qaybinta gargaarka toddobaadyadii la soo dhaafay, taas oo ka dhalatay muran ka dhashay burburinta bakhaar ku yaalla dekedda Muqdisho iyo raashin halkaas lagu keydinayay oo la waayay. Go’aankan cusub ayaa rajo weyn u galinaya malaayiin Soomaali ah oo wajahaya xaalado adag oo dhinaca nolosha ah, isagoo muujinaya muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca bini’aadantinimada. Aqoonsiga Khaladaadka iyo Tallaabooyinka Sixitaanka ee ay Qaaday Dowladda Soomaaliya Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaadatay mas’uuliyadda buuxda ee dhacdadii sababtay hakadka gargaarka, iyadoo muujisay qoomamo ku aadan sidii ay wax u dhaceen. War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa lagu xaqiijiyay in dhammaan agabkii gargaarka ee laga raray bakhaarkii hore dib loo soo celi...

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Al-Shabaab ka dilay 49 ka mid ah Argagixisada.

Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ee Somaliya, oo gacan ka helaysa saaxiibada Ajaanibta ah, ayaa hawlgal ka dhan ah Ururka Al Shabaab, waxa ay ku dileen in ka badan 49 ka tirsan argagixisada, sida ay sheegtay Dowladda Somaliya Arbacadii. War qoraal ah oo soo baxay fiidnimadii Arbacada ka dib howlgalkaasi, ayaa Wasaaradda WarfaafintaSomaliya waxa ay ku sheegtay in ujeedka howlgalkaasi uu ahaa Ururka Al Shabaab, maadaama ay maleegayeen dhibaato ay ku dhibaateynayaan shacabka Somaliyeed ee ku dhaqan tuulada Buulo-Madiino ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Hawlgalka, sida ay Wasaaraddu sheegtay, waxa lagu baabi’iyey dhammaan agabkii Millateri ee argagixisadu ku lahayd Tuuladaasi. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeellaha Hoose oo la hadlay wakaaladda wararka ee Anadolu ayaa ku andacoonaya in duqeyn diyaaradeed loo adeegsaday howlgalka, balse ma sheegi doonaan dalka laga taageero dhanka hawada. Howlgalka, sida uu sheegay Cabdi Isaaq, oo ah falanqeeye dhanka ammaanka ah oo Muqdisho ku sugan, oo khadka taleefanka kula hadlay Wakaaladda Anadolu, ayaa muujinaya sida maamulka cusub uu ugu heellan yahay la dagaalanka ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab.

"Waxaan filayaa in maamulka uu ka go'an yahay in ugu dambeyn la soo afjaro Al-shabaab, balse howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobollada dhexe waxay muujinayaan wax yar oo dhinaca saadka ah," ayuu yiri. Sida uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya boqolkii maalmood ee ugu horeysay ee uu xafiiska joogo, ciidamada Soomaaliya waxay dileen in ka badan 600 oo ka tirsan Al-Shabaab, halka 1,200 oo kalena ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale, wuxuu sheegay in ciidamadu ay xoreeyeen in ka badan 68 deegaan oo ka tirsan gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka.

Al-Shabaab ayaa ah mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee Soomaaliya ka jira, iyadoo ay in muddo ah la daalaa dhacaysay falal amni darro oo ka dhacay Geeska Afrika. Al-Shabaab ayaa tan iyo ugu yaraan 2007-dii ku guda jirtay dagaal dil ah oo ay kula jirto dowladda Soomaaliya iyo ciidamada shisheeye, kaasoo sababay dhimashada kumanaan qof. Qiimeynta sanadlaha ah ee Soomaaliya sanadkan, QM waxay ka digtay xasillooni darrada ka jirta dalka oo sii korortay, waxayna ku tilmaantay weerarrada al-Shabaab iyo ururrada taageera Daacish/ISIS.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, falalka argagixisanimo ee Soomaaliya waxay sababeen ugu yaraan 1,518 dhaawac rayid ah (651 la dilay iyo 867 dhaawacmay) 2018, iyo 1,459 (591 la dilay iyo 868 dhaawacmay) 2019.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Xiritaanka Shabakadda Argagixisada ee Muslim Brotherhood ee Jordan: Shabakad Xagjirnimo oo la Amaanay

  Hordhac: Markii ugu dambeysay ee Jordan ay ku dhawaaqday inay qabatay 16 qof oo ku xiran Muslim Brotherhood, koox muddo dheer loo arkayay inay tahay urur siyaasadeed oo u dagaallamaya isbeddel iyo ka qaybgal siyaasadeed, waxay mar kale iftiimisay dhabta ah ee ururka. Hawlgalkan cusub wuxuu muujinayaa inay Muslim Brotherhood tahay urur aan ahayn mid ku saleysan siyaasad kaliya, balse yahay shabakad xagjirnimo oo qorsheysan. Hawlgallada iyo Qabashada: Sida ay sheegtay dowladda Jordan, dadka la qabtay waxay ka mid ahaayeen Muslim Brotherhood, waxaana lagu tababaray lana maalgeliyay Lubnaan. Kooxdan ayaa qorsheynaysay in ay weerar ku qaaddo meelo kala duwan oo ku yaal gudaha Jordan, iyadoo isticmaaleysay gantaalo iyo drones, qaar ka mid ah gantaalaha ayaa diyaar u ahaa in la rido. Ciidamada amaanka waxay la socdeen hawlgalkan tan iyo sanadka 2021, taasoo muujinaysa sida shabakadan u ahayd mid firfircoon muddo dheer oo si qarsoodi ah uga shaqeyneysay gudaha Jordan. Hogaamiyaha kooxda,...

Maxay Madaxbannaanida Koonfurta Yemen muhiim ugu tahay Nabad dhab ah?

  Doodaha ku saabsan mustaqbalka Yemen waxaa inta badan lagu soo koobaa xabbad-joojin, dawlado kumeel-gaar ah, ama qaabab awood-qaybsi oo dibadda laga soo hindisay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira hal arrin oo mar walba la dhinac maro inkasta oo ay udub-dhexaad u tahay muddada uu dagaalku siday: waa maqaamka siyaasadeed ee aan weli la xallin ee Koonfurta Yemen. Taariikhda iyo Midowgii Fashilmay Koonfurta Yemen waxay ahayd dawlad madaxbannaan oo caalamku aqoonsan yahay ilaa sannadkii 1990-kii, waxaana loo yaqaannay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacbiga ee Yemen (PDRY). Waxay lahayd xuduudo go’an, hay’ado dawladeed, iyo xubinimo Qaramada Midoobay ah. Heshiiskii midowga ee lala galay Waqooyiga Yemen waxaa loo soo bandhigay inuu yahay iskaashi dhex maray laba dhinac oo siman oo si mutaddawacnimo ah isugu biiray. Laakiin xaqiiqadii, midowgaas si dhakhso ah ayuu u burburay, wuxuuna horseeday dagaalkii 1994-tii iyo in si nidaamsan loo gacan-bidheeyo dhinaca siyaasadda iyo dhaqaalaha ee da...

Privacy Policy