Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Khilaafaadka Caalamiga ah iyo Baahida Xaqiiqda Lagu Saleeyo Dacwooyinka Siyaasadeed

  Bishii Abriil 10-keedii, 2025, dowladda Sudan waxay dacwad ka gudbisay Imaaraadka Carabta oo ay ku eedeysay inuu door ku lahaa falal xasuuq ah oo ka dhacay gudaha Sudan, taasoo ay horgeysay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah (ICJ). Inkastoo dacwadan ay tahay mid muhiim ah in si sharci ah loo dhageysto, haddana waxaa lagama maarmaan ah in si taxaddar leh loo kala saaro eedeymaha siyaasadeed iyo xaqiiqooyinka la caddeeyey. Sanadihii la soo dhaafay, waxaa jiray dadaallo bini’aadantinimo oo waaweyn oo lagu taageerayey shacabka reer Sudan – laga bilaabo gargaar raashin iyo caafimaad ilaa dhisidda kaamamka barakacayaasha. Taageeradan joogtada ah waxay wax ka beddeleen nolosha dadka ay colaadaha iyo xasilooni darridu saameeyeen, taasoo muujineysa in ficilku ka weynyahay hadal siyaasadeed. Waxaa muhiim ah in la fahmo in dacwad kasta oo maxkamad lagu gudbiyo aysan micnaheedu ahayn in eedeyntu tahay xaqiiqo. Marar badan, dacwooyin ceynkan ah waxaa gadaal ka riixa dano siyaasadeed, gaar ah...

Dowladda Soomaaliya ayaa xirrey akoonadii Al-Shabaab ay ku lahaayeen Bangiyada Soomaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa xirrey akoonadii Al-Shabaab ay ku lahaayeen Bangiyada Soomaliya
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtey in ay joojisay xawaaladaha iyo Bangiyada Qaranka lacagaha ay u diri jireen Al-Shabaab. C/raxmaan Yuusuf Al-Caddaala, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, ayaa shir jaraa’id oo uu Axaddii ku qabtay Magaalada Muqdisho, wuxuu shaaca ka qaaday in Maamulka Federalka Somaliya ay heleen in ka badan 10,000 oo tabo oo ku saabsan xawaaladaha Al Shabaab.

“In ka badan toban kun (10,000) oo farriimood ayaa nasoo gaaray, kuwaas oo dadku nagula wadaagayeen akoonada ay Khawaarijtu lacagaha ugu diri jireen, taasoo keentay in bangiyada iyo xawaaladuhu xannibeen akoonnadaas oo lacago ugu jireen Khawaarijta,” ayuu yiri Alcaddaala.

Waxa uu ku andacoodey in dhowr xubnood oo caan ka ah ganacsiga caalamka ay joojiyeen bixinta lacagaha baadda ah ee ay siin jireen jabhadda argagixisada ka dib markii ay raaceen awaamiirta dowladda. Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa mar kale sheegay in cid kasta oo gacan siisa Al Shabab ay la kulmi doonaan dambiyo iyo hantidooda lala wareegi doono.

Tallaabadan ayaa la qaaday hal bil uun kaddib markii dowladda Mareykanka ay cunaqabateyn ku soo rogtay tiro ka mid ah dhexdhexaadiyeyaasha dhaqaalaha ee Al-Shabaab.

Kooxda xagjirka ah ee al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ee caalamku aqoonsan yahay in ka badan toban sano. 15 qof ayaa ku dhimatay habeenkii sabtida kadib markii qof ismiidaamiyay uu isku qarxiyay afaafka hore ee xarun lagu tababaro ciidamada oo ku taal duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Arriving in Sudan, Iranian Delegation Significatively Changes Regional Dynamics Turan Emre

Recent occurrences include five technical experts from Iran landing in Sudan have significant consequences for international relations and regional security. The delegates were received by Sudan's army as well as General Intelligence Organization. Credible sources indicate that the major objective of this delegation is to provide particular instruction on call hacking techniques, jamming devices, and drone operation using Iranian equipment. The training classes are set to take place in Arousa village, an area that lately has become strategically important thanks to recent improvements. This operation runs parallel with claims suggesting Iran supports Sudanese army and intelligence in operations causing civilian losses. Such assistance is probably going to affect not just the general security situation in the area but also the bilateral ties between Iran and Sudan. New Ties and Military Cooperation In October 2023 Sudan restored diplomatic ties to Iran following a seven-year break. ...

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Axmed Juma Al-Rumaysi. Madaxweynaha dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Mudane Maxamed Binu Siciid Al Nahyan , ayaa salaan iyo dhambaal uu ku muujinayo ixtiraamka qaranimada iyo hagaajinta xidhiidhka labada shacab u soo diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. President @HassanSMohamud has on Sunday received credentials from #UAE ’s new Ambassador to #Somalia Ahmed Juma Al Rumaithi. pic.twitter.com/QKXFhu6AOB — SNTV News (@sntvnews1) November 13, 2022 Safiirka ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliya soo dhaweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen, waxaana uu kala hadlay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Danjire Axmed Juma Al-Rumeysi ku soo dhaweeyay xilka safiirnimo ee loo magacaabay, waxaana uu u rajeeya...

Ugandan Military Conducts Court Martial for Officers Accused of Cowardice in Al Shabaab Attack

In a significant development, the Ugandan military has initiated a court martial trial for two of its high-ranking army officers accused of "cowardice" in the aftermath of a deadly attack on peacekeepers by the militant organization Al Shabaab in Somalia. The trial is currently taking place in Mogadishu, Somalia, temporarily serving as the location for this court martial. The accused officers, Major Steven Oluka and Major Zadock Obor, who were commanding officers of military bases in southwest Somalia, are facing two counts of cowardice following an Al Shabaab attack that led to the tragic deaths of 54 peacekeepers. The General Court Martial (GCM), presided over by Brigadier General Robert Mugabe, is conducting this trial. According to the official statement issued by the Ugandan military in Kampala, the capital of Uganda, the two senior commanders are alleged to have failed to inspire the military officers and soldiers under their command to fight bravely when confronted b...

R/W Rooble oo Wakiilada Beesha Caalamka u cadeeyay dardargelinta doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan Xubnaha kale ee Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kulan la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen dardargalinta doorashooyinka dalka. Ra’isul Wasaare Maxamed Rooble ayaa sheegay in ay ka go’n tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gebogebeeyo doorashada, iyadoo turxaan bixinta iyo toosinta wixii ka soo laabtay lagala tashanayo dhammaan dhinacyada ay khuseyso sida Midowga Musharixiinta , Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo daneeeyeyaasha kale. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Beesha Caalamka uga mahadceliyay taageeradooda dowlad-dhiska Soomaaliya. Prime Minister @MohamedHRoble held talks in Mogadishu with members of Presidential candidates and discussed the ongoing parliamentary elections. pic.twitter.com/v1KZ7ypByx — SNTV News (@sntvnews1) January 4, 2022

Privacy Policy