Madaxweynaha maamulka Jubbaland, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay ka qeyb qaadashada dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
Axmed Madoobe, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, ayaa shaaca ka qaaday in Maamulkiisa uu diyaariyay askar ka tirsan Ciidanka Dowladda, si ay uga qayb qaataan dagaalka ay Dowladda Federalka Somaliya kula jirto Ururka Al Shabaab.
Madaxweyne Madoobe oo ay taageerayaan Wasiirka
Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo
Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed General Odawaa Yuusuf Raage
ayaa hadalkan ka sheegay dhoolatus ciidan oo ka dhacay magaalada Kismaayo.
Madaxa maamulka Jubbaland ayaa ku ammaanay
maleeshiyada shacabka ee ku sugan gobolka Hiiraan sida ay ula shaqeeyaan
ciidamada dowladda sidii Al Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay kaga sugan
yihiin.
Madaxweyne Madoobe ayaa bartiisa Facebook-ga iyo Twitter-kiisa kuyiri, “Maanta qof
walba waxaa waajib ku ah inuu ka qeyb qaato dagaalka xaqa ah ee dalka ka socda
oo aan ku difaacayno diinta, dhaqanka, iyo sharafta dadka Soomaaliyeed meel
walba oo ay joogaan. Waxaan guul u rajaynayaa wiilasha iyo gabadhaha aan maanta
soo arkay oo naftooda u huraya jiritaanka dadka iyo dhulka Soomaaliyeed iyo sidii
aan asaageen u gaari lahayn. Alle ayaa idinla jira waadna guulaysan
doontaan Inshaa Allah.”
Maanta qof walba waxaa waajib ku ah inuu ka qeyb qaato dagaalka xaqa ah ee dalka ka socda oo aan ku difaacayno diinta, dhaqanka, iyo sharafta dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. pic.twitter.com/1HclfMCWPr
— Ahmed Sheikh Mohamed Islam (@PresidentMadobe) November 28, 2022
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo ciidamada dowladda ee
ku sugan Muqdisho ay soo gabagabeeyeen go'doomintii hoteelka taasoo sababtay
dhimashada sideed qof. Madaxda sare ee dowladda ayaa inta badan degta hotelka
Villa Rose oo ku dhagan madaxtooyada Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa dabayaaqadii xagaaga
bilowday weeraro ka dhan ah Al Shabaab, waxaana bilihii lasoo dhaafay laga
saaray deegaano iyo tuulooyin yar yar.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda
Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Cumar Cadaala, ayaa sheegay in howlgaladii ugu
dambeeyay ee ka dhacay deegaano ka tirsan Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe
ay ku dileen in ka badan 100 ka mid ah Argagixisada oo ay ku jiraan 10
“horjooge ah”.
Comments
Post a Comment