Ugu yaraan 15-qof ayaa ku dhintay weerar ismiidaamin ah oo xalay ka dhacay afaafka hore ee xero lagu tababaro ciidamada oo ku taalla qaybta koonfureed ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha maanta oo Axad ah.
Sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada oo lagu
daabacay warsidaha Garowe, dad rayid ah iyo ciidamo cusub oo la qoray ayaa ka
mid ah dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay. Warbaahinta kale ee gudaha ayaa
sheegtay in ururka Kawaarijta ah ee Al-Shabab ay sheegteen mas’uuliyadda
weerarka.
5 people were killed and 11 others wounded after terrorist suicide bomber had blown himself up at front gate of General Dhagabadan military training camp at Ex- Candy factory in #Mogadishu, on Saturday, SNA chief, General Odawa Yusuf told State media.#Somalia pic.twitter.com/pvJcDMRPHe
— SNTV News (@sntvnews1) November 5, 2022
In ka badan 100 ka tirsan Al-Shabaab ayaa
fiidnimadii Khamiista lagu dilay howlgal ka dhan ah bulshada ku dhaqan gobolka
Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kaasi oo ay fuliyeen ciidamada dowladda
Soomaaliya oo gacan ka helaya maleeshiyaad taabacsan dowladda Soomaaliya.
Ugu yaraan 100 qof ayaa ku dhintay in ka badan 300
oo kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo mataano ah oo loo adeegsaday baabuur
walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo toddobaad ka hor lala beegsaday dhismaha
wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
In ka badan 10 sano, Al-Shabab waxay u dagaalamayeen
sidii ay u afgembin lahaayeen dawladdii dhexe ee Soomaaliya oo ay u dhisteen
nidaam u gaar ah oo ku salaysan ku dhaqanka shareecada Islaamka.
Comments
Post a Comment