Talaadadii dalka Jabuuti, Ra’iisul WasaarahaSoomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed. Si loo hormariyo xiriirka iyo wada shaqeynta labada dowladood, loogana mirro dhaliyo hadafka ay wadaagaan, Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo xubnaha wafdigiisa ayaa si gooni gooni ah ula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan golihiisa Wasiirada.
Xamse Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyay Jabuuti inay
dhakhaatiir iyo agab caafimaad u soo dirtay Soomaaliya si ay ugu gurmadaan
dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii mataanaha ahaa ee todobaadkii hore ka dhacay
magaalada Muqdisho. Waxa uu ballan qaaday in uu kor u qaadayo iskaashiga laba
geesoodka ah ee dhinacyada horumarka, amniga abaaraha, iyo isbeddelka cimilada.
Si loo caawiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku
waxyeeloobay Qaraxyadii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Sabtidii 29-ka October ka
dhacay Isgoyska Zoobe, ayaa Jabuuti, Turkiga iyo Itoobiya waxay gurmad
caafimaad u soo direen magaalada Muqdisho. Cabdulqaadir Kaamil Maxamed Ra’iisul
Wasaaraha dalka Jabuuti ayaa sheegay in dalkiisa uu u taagan yahay caawinta
shacabka Soomaaliyeed iyo maamulkooda xilligan adag ee ay la tacaalayaan
dhibaatada.
Jabuuti ayaa ka mid ah dalalka ciidamada ugu deeqay
ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, kuwaasoo soo maray
in ka badan sodon sano oo fowdo iyo dagaal ah.
Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, @farhanjimale ayaa ka warbixiyay socdaalka rasmiga ah ee Ra’iisul Wasaare @HamzaAbdiBarre uu ku tagay maanta dalka Jabuuti iyo kulan uu galabta la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed. pic.twitter.com/y42Q7Zn8EY
— SomaliPM (@SomaliPM) November 8, 2022
Comments
Post a Comment