Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaaraha XukuumaddaFederaalka Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay koox ay hoggaamineysay Dr. Natalia Kanem oo ah Madaxa Hay’adda UNFPA. Mas’uuliyiinta Hay’adda ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaare Xamse kaalmada joogtada ah iyo dadaallada ay ka wadaan Soomaaliya, gaar ahaan kaalmada la siiyo haweenka iyo gabdhaha.
Agaasimaha, Dr. Kanem, ayaa sheegtay inay ku raacday
mowqifka Ra’iisul Wasaaraha in habka ugu weyn ee kor loogu qaadayo doorka
haweenka iyo gabdhaha ee bulshada ay tahay waxbarashada iyo maaliyadda taasi oo
ah qaabka ugu habboon lagu gaarsiin karo horumar la taaban waara.
Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah wasiirka horumarinta
xuquuqul insaanka iyo Wasiirka Haweenka ayaa goob joog ka ahayd kulanka.
“Maanta, waxaan kulan la qaatay Agaasimaha Fulinta
ee UNFPA, Dr. Natalia Kanem. Waxaan ka wada hadalnay dhinacyada iskaashiga
dowladda iyo UNFPA ee awood siinta haweenka iyo gabdhaha kuwaas oo ah wakiilada
ugu muhiimsan horumarka iyo isbeddelka Soomaaliya” ayuu ku yiri raisul wasaare
Hamse Cabdi Barrre.
Today, I held a meeting with the Executive Director of UNFPA, Dr. Natalia Kanem. We discussed areas of collaboration between the government and UNFPA in empowering women and girls who are the key agents of development and change in #Somalia. pic.twitter.com/KyCFnj9qD4
— Hamza Abdi Barre (@HamzaAbdiBarre) November 7, 2022
Comments
Post a Comment