Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka degay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, iyadoo safarkaasi uu qeyb ka yahay hagaajinta xiriirka kala dhaxeeya Talyaaniga.
Dowladda Talyaaniga ayaa casuumaad u fidisay
Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo la kulmi doona Ra’iisul Wasaare Giorgia Meloni
iyo dhiggiisa Sergio Mattarella, iyagoo ka wadahadli doona fulinta heshiisyadii
hore ee Soomaaliya iyo Talyaaniga iyo sidoo kale ballaarinta iskaashiga labada
dhinac.
Si ay gacan uga geystaan sidii looga adkaan lahaa
Al-Shabaab, isla markaana ay shacabka Soomaaliyeed amni iyo nabad ugu soo
dabaali lahaayeen, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu madaxda
Talyaaniga u bandhigayaa meelaha ay dani ugu jirto dowladda Federaalka
Soomaaliya.
Sidoo kale, madaxtooyadu waxay sheegtay in madaxda
iyo dublamaasiyiinta ku wehelinaya safarkan madaxweynaha Jamhuuriyadda ay
heshiisyo iyo is-faham la saxeexan doonaan dhiggooda Talyaaniga oo ku salaysan
danaha qarankeenna. Labada dal ayaa la sheegay inay ka wada hadlayaan
iskaashiga dhinacyada maalgashiga, dhaqaalaha, warshadaha, iyo waxbarashada.
H.E President @HassanSMohamud arrived in Rome, Italy, for an official visit during which he will meet with leaders of the Italian government to discuss strengthening the historic bilateral relations and enhancing cooperation in the fight against terrorism. pic.twitter.com/TOmMrq1kWL
— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) February 7, 2023
Comments
Post a Comment