Sida ay sheegtey madaxtooyada Soomaaliya, Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa dhawaan magaalada Addis Ababa kula kulmay dhiggiisa dalka Kenya William Ruto. Intii uu socday kulankooda ayaa waxa ay uga wada hadleen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidoo kale ku biirida Soomaaliya ururka Bariga Afrika ee (EAC).
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa William Ruto u sheegay
in qarankiisu uu si buuxda u taageersan yahay in Soomaaliya ay ka mid noqoto
ururka Bariga Afrika ee EAC. William Ruto ayaa tilmaamay in qarankiisa uu
saameyn toos ah ku leeyahay xaaladda Soomaaliya, islamarkaana ay muhiim u tahay
xasiloonida gobolka. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale loo sheegay in qarankiisa uu
muhiim u yahay xasiloonida gobolka.
Sida laga soo xigtay dowladda Soomaaliya, madaxweyne
Xasan Sheekh ayaa u sheegay dhiggiisa Kenya “in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed
ay ku shaqeynayaan si waafaqsan aragtida Soomaalida iyo caalamka, sidaas
darteed ay muhiimad siinayaan yareynta colaadaha iyo xasillooni darrada
gobolka”. Sida laga soo xigtey madaxtooyada Soomaaliya.
On the sidelines of the #AU Summit, I held a productive meeting with President @WilliamsRuto in Addis Ababa today. We discussed issues of mutual interest, including strengthening our bilateral ties & partnerships in security & trade as well as #Somalia's bid to join the #EAC. pic.twitter.com/x1NZ0nFAwM
— Hassan Sheikh Mohamud (@HassanSMohamud) February 19, 2023
Kulanka labada mas’uul ayaa ku soo beegmaya labo
todobaad kaddib shirkii Soomaaliya iyo dalalka deriska ah, kaasoo kowdii bishan
ka dhacay magaalada Muqdisho. Ujeedka kulankaas ayaa ahaa sidii la isaga
kaashan lahaa, loogana midoobi lahaa la dagaalanka kooxda Al-Shabaab iyo sidii
loo dhimi lahaa awooda ay ku leeyihiin Soomaaliya iyo deegaanada ku xeeran.
Comments
Post a Comment