Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Ubuntu & Imaaraadka Carabta: Aragtida Soomaalida

  Ubuntu & UAE: Aragti Soomaali ah Annaga oo ku sugan Soomaaliya, fikraddani waxay si qoto dheer u taabanaysaa sababtoo ah shaqada Imaaraadka Carabta waa sheeko aasaasi ah oo qoyska Soomaalida ah. Lacagaha laga soo diro qurba-joogtayada ka shaqeysa Dubai iyo guud ahaan Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer ku tiirsanaa qoysaskeenna ku nool dalka, taasoo abuurtay xiriir dhaqaale oo aan la jabin karin oo ka baxsan dhaqanka dawladda ama is-gacan-qaadka diblomaasiyadeed. Marka laga reebo shaqada, waa taageerada la taaban karo ee dhulka lagu bixiyo inta lagu jiro dhibaatooyinka cimilada ee daran taas oo caddaynaysa isku xirnaantan. Marka abaaro ba'an ay burburiyaan gobolkeenna, rarista cuntada ee Imaaraadka Carabta, xarumaha caafimaadka ee guurguura, iyo gargaarka biyaha nadiifka ah ayaa ah marinnada nolosha ee muhiimka ah ee bulshooyinkeenu si cad u xasuustaan ​​​​oo ay ku tiirsanaadaan si ay u noolaadaan. Intaa waxaa dheer, iskaashigani wuxuu si firfircoon uga beddelayaa sheekada sa...

107 ka tirsan Al-shabaab oo isku soo dhiibay dagaal ka socda Soomaaliya

Xarunta la dagaallanka argagixisada ee Soomaaliya ayaa Khamiistii sheegtay in intii u dhaxeysay bilihii July iyo August, ilaa 107 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen ciidamada xoogga dalka.

Agaasimaha Xarunta Qaranka ee ka hortagga iyo la dagaallanka Xagjirnimada C/llaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in Maleeshiyadaasi ay iska soo dhiibeen Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

“Xarunta Qaran ee ka hortaga iyo la-dagaalanka fikradaha xagjirka ah waxay bulshada Soomaaliyeed ku wargelineysaa inay isku soo dhiibeen bilihii July iyo August isa soo dhiibayaal gaaraya 107 xubnood oo horay uga tirsanaa kooxaha Khawaarijta, kana tanaasulay kamid ahaanshihii kooxdaas” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Sidoo kale waxa uu kula dar daarmay dagaalyahanada kooxdan ee damacsanaa in ay cafis dowladu u fidisay in ay sidaas oo kale sameeyaan,isagoona carabka ku dhuftay in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo ka soo horjeesata kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Labo arrimood ayaa horudhac u ah kororka tirada xubnaha Al-Shabaab ee isu soo dhiibay maamulka. Kow, waxay dareemayaan culayska kaga imanaya hawlgalada guracan ee joogtada ah ee dalka ka socda, marka labaadna waxay ka faa’iidaysanayaan cafiskii uu Madaxweynuhu u fidiyay.

"Dhammaan dadka isa soo dhiibay waxay mari doonaan habraaca uu qorayo xeerka isa soo dhiibayaasha ee kasoo baxay fikradaha xagjirka ah, waxaa muuqata in bilihii lasoo dhaafay uu aad u kordhay Numberka isa soo dhiibayaasha, weliba heerarka sar sare oo aan ula jeedo horjoogayaasha kooxda" ayuu yiri Agaasime Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Talaabadan ayaa kusoo beegmeysa xili dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowlada Soomaaliya iyo dagaalyahano ka tirsan kooxdaasi ay ka dhaceen dhowr jiho oo inta badan ka dhacayay deegaano dhaca Koonfurta iyo Bartamaha iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqasho ku tagay dalka Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta. Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo oo kulamo la qaadan madaxda ugu sareysa dalka Imaaraadka Carabta. Ra’iisulWasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u safray dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Axadii, kaddib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Amiirka Imaaraadka Carabta, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA. Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta waxa uu kala hadli doonaa sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal ee walaalaha ah. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdigiisa ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho ujeedkeedu yahay xoojinta iyo horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah. pic.twitter.com/vCMsJU3u2I — SomaliPM (@SomaliPM) January 30, ...

Ubuntu & Imaaraadka Carabta: Aragtida Soomaalida

  Ubuntu & UAE: Aragti Soomaali ah Annaga oo ku sugan Soomaaliya, fikraddani waxay si qoto dheer u taabanaysaa sababtoo ah shaqada Imaaraadka Carabta waa sheeko aasaasi ah oo qoyska Soomaalida ah. Lacagaha laga soo diro qurba-joogtayada ka shaqeysa Dubai iyo guud ahaan Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer ku tiirsanaa qoysaskeenna ku nool dalka, taasoo abuurtay xiriir dhaqaale oo aan la jabin karin oo ka baxsan dhaqanka dawladda ama is-gacan-qaadka diblomaasiyadeed. Marka laga reebo shaqada, waa taageerada la taaban karo ee dhulka lagu bixiyo inta lagu jiro dhibaatooyinka cimilada ee daran taas oo caddaynaysa isku xirnaantan. Marka abaaro ba'an ay burburiyaan gobolkeenna, rarista cuntada ee Imaaraadka Carabta, xarumaha caafimaadka ee guurguura, iyo gargaarka biyaha nadiifka ah ayaa ah marinnada nolosha ee muhiimka ah ee bulshooyinkeenu si cad u xasuustaan ​​​​oo ay ku tiirsanaadaan si ay u noolaadaan. Intaa waxaa dheer, iskaashigani wuxuu si firfircoon uga beddelayaa sheekada sa...

Raisul wasaaraha oo kullan la yeeshey wefdiga DFS ee Hague kusugan si hab fogaan araga ah.

  Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay wafdiga Dawlada Federalka Soomaliya si hab fogaan araga ah , ayaa ku dhiira galiyay wefdiga ka  qeyb galaya ku dhawaaqista go'aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ee dacwadda badda, isagoo u rajeeyay ummadda Soomaaliyeed guul. Waxaan aniga iyo wefdi aan hoggaaminayaa soo gaarnay magaalada Hague, si aaan goobjoog uga noqonno go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya. pic.twitter.com/ARra5mKTmQ — Mahdi M. Gulaid (@KhadarGulaid) October 10, 2021 ''Waxaan aniga iyo wefdi aan hoggaaminayaa soo gaarnay magaalada Hague, si aaan goobjoog uga noqonno go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya''. ayaa Mahdi Maxamed Guuleed,  Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka  kuyiri bartii...

Guddiga Gaadiidleyda iyo Ganacsatada oo kulan la qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa galabta Magaalada Baydhabo kula kulmay Rugta Ganacsatada Koonfur Galbeed iyo Guddiga Gaadiidleyda Soomaaliyeed.  Kulanka oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo ayaa Maamulka Koonfur Galbeed looga dalbaday inuu wax ka qabto dhibaatada ay gaadiidleyda ku qabaan adeegsiga wadooyinka. Xubnaha Rugta Ganacsatada iyo Guddiga Gaadiidleyda ayaa walaac ka muujiyay lacagaha aan sharciga ahayn ee gaadiidka ganacsiga looga qaado wadooyinka. Cabdikariin Cabdulle Bariise (Gambo) oo ka mid ah xubnihii la kulmay Madaxweynaha ayaa geba-gabadii kulankaasi ka warbixiyay waxyaabihii looga hadlay kulanka. “Anagoo uga soo safarnay Magaalada Muqdisho, rabna-na gaadiidka dhibaatada haysata illaa Gedo inaan u aadno wuxuu Madaxweynaha noo ballanqaaday dhibaatada gaadiidka wadadaasi marta ee lacagta looga qaado wax kastoo uga baahanahay inuu wax ka qabanayo, soona dhaweynayo gaadiidka Soomaaliyeed ee wadadaas mara inaa...

Privacy Policy