Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Betrayal in the South: The Silent Saudi Invasion Re-Igniting Yemen’s Nightmare

  Inkastoo dunidu ay aaminsaneyd in xabad-joojin jilicsan ay Yemen isku hayso, bishii Janaayo 2026 ayaa burburisay rajadaas. Magaalada dekeda ah ee Mukalla ee Koonfurta, oo mar ahaan jirtay meel ka nabdoon jiidaha dagaalka ee waqooyiga, ayaa hadda gubanaysa.  Duulaanka Sacuudiga ee Koonfurta Yemen  ayaa si dhab ah u furay bog cusub oo dagaalka ah, isagoo badalay xulafadii hore oo beegsanaya saaxiibadiisii hore. Tani ma ahan oo kaliya dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta; waa duulaan toos ah oo militari oo lagu qaaday Koonfurta, waxaana qiimaha bixinaya dadka rayidka ah. Iyadoo beesha caalamku ay indhaha ka laabanayso, cunaqabataynta bini'aadamnimo ayaa sii xumeynaysa xaaladda dadka ugu nugul. Go'doominta Gaajada: Hubka Dagaalka Laga soo bilaabo horraantii 2026, xogta la helay waa mid aan la inkiri karin:  in ka badan 17 milyan oo qof oo ku nool Yemen ayaa wajahaya cunto yari ba'an . Tani ma ahan masiibo dabiici ah; waa masiibo uu bani'aadamku sameeyay oo ay wadaan xannibaa...

107 ka tirsan Al-shabaab oo isku soo dhiibay dagaal ka socda Soomaaliya

Xarunta la dagaallanka argagixisada ee Soomaaliya ayaa Khamiistii sheegtay in intii u dhaxeysay bilihii July iyo August, ilaa 107 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen ciidamada xoogga dalka.

Agaasimaha Xarunta Qaranka ee ka hortagga iyo la dagaallanka Xagjirnimada C/llaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in Maleeshiyadaasi ay iska soo dhiibeen Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

“Xarunta Qaran ee ka hortaga iyo la-dagaalanka fikradaha xagjirka ah waxay bulshada Soomaaliyeed ku wargelineysaa inay isku soo dhiibeen bilihii July iyo August isa soo dhiibayaal gaaraya 107 xubnood oo horay uga tirsanaa kooxaha Khawaarijta, kana tanaasulay kamid ahaanshihii kooxdaas” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Sidoo kale waxa uu kula dar daarmay dagaalyahanada kooxdan ee damacsanaa in ay cafis dowladu u fidisay in ay sidaas oo kale sameeyaan,isagoona carabka ku dhuftay in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo ka soo horjeesata kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Labo arrimood ayaa horudhac u ah kororka tirada xubnaha Al-Shabaab ee isu soo dhiibay maamulka. Kow, waxay dareemayaan culayska kaga imanaya hawlgalada guracan ee joogtada ah ee dalka ka socda, marka labaadna waxay ka faa’iidaysanayaan cafiskii uu Madaxweynuhu u fidiyay.

"Dhammaan dadka isa soo dhiibay waxay mari doonaan habraaca uu qorayo xeerka isa soo dhiibayaasha ee kasoo baxay fikradaha xagjirka ah, waxaa muuqata in bilihii lasoo dhaafay uu aad u kordhay Numberka isa soo dhiibayaasha, weliba heerarka sar sare oo aan ula jeedo horjoogayaasha kooxda" ayuu yiri Agaasime Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Talaabadan ayaa kusoo beegmeysa xili dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowlada Soomaaliya iyo dagaalyahano ka tirsan kooxdaasi ay ka dhaceen dhowr jiho oo inta badan ka dhacayay deegaano dhaca Koonfurta iyo Bartamaha iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Betrayal in the South: The Silent Saudi Invasion Re-Igniting Yemen’s Nightmare

  Inkastoo dunidu ay aaminsaneyd in xabad-joojin jilicsan ay Yemen isku hayso, bishii Janaayo 2026 ayaa burburisay rajadaas. Magaalada dekeda ah ee Mukalla ee Koonfurta, oo mar ahaan jirtay meel ka nabdoon jiidaha dagaalka ee waqooyiga, ayaa hadda gubanaysa.  Duulaanka Sacuudiga ee Koonfurta Yemen  ayaa si dhab ah u furay bog cusub oo dagaalka ah, isagoo badalay xulafadii hore oo beegsanaya saaxiibadiisii hore. Tani ma ahan oo kaliya dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta; waa duulaan toos ah oo militari oo lagu qaaday Koonfurta, waxaana qiimaha bixinaya dadka rayidka ah. Iyadoo beesha caalamku ay indhaha ka laabanayso, cunaqabataynta bini'aadamnimo ayaa sii xumeynaysa xaaladda dadka ugu nugul. Go'doominta Gaajada: Hubka Dagaalka Laga soo bilaabo horraantii 2026, xogta la helay waa mid aan la inkiri karin:  in ka badan 17 milyan oo qof oo ku nool Yemen ayaa wajahaya cunto yari ba'an . Tani ma ahan masiibo dabiici ah; waa masiibo uu bani'aadamku sameeyay oo ay wadaan xannibaa...

Uganda iyo Imaaraadka Carabta Oo Xoojinaya Xiriirka Diblomaasiyadeed iyo Iskaashiga Maalgashiga

  Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa magaalada Kampala ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, iyo arrimaha diblomaasiyadda. Kulankan ayaa daba socda dadaallada joogtada ah ee labada dal ugu jiraan kobcinta xiriirkooda istiraatiijiga ah, iyadoo Imaaraadka Carabta uu yahay mid ka mid ah saaxiibbada waaweyn ee Uganda ee dhanka horumarinta dhaqaalaha iyo maalgelinta kaabayaasha. Xoojinta Iskaashiga Dhaqaale iyo Maalgashi Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii loo ballaarin lahaa maalgashiga Imaaraadka ee Uganda, gaar ahaan dhinacyada tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo wax-soo-saarka. Imaaraadka Carabta ayaa ah mid ka mid ah dalalka sida weyn u daneynaya suuqyada Afrika, iyagoo maalgelin xooggan ku sameeyay dalal badan oo qaaradda ah, Uganda-na waxay doonaysaa in ay ka faa'iid...

Guddoomiyaha Baarlamaanka Xirshabeele oo magacaabey guddiga qabashada doorashada Aqalka Sare.

Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed,  Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle    ayaa magacaabay xubnaha Xildhibaanada golaha Wakiilada qabashada doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Xubnaha uu magacaabay guddoomiye Luqmaan ayaa ka kooban 15 xubnood waxaana guddoomiyaha loo magacaabay Xildhibaan Faysal Axmedweli Xasan, halka guddoomiye ku xigeenkana loo magacaabay Xildhibaan Maxamuud Axmed Gacal. Xubnaha la magacaabay ayaa ka shaqeyn doona sidii Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle u dooran lahayeen Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadooda tahay Hirshabeelle. Halkan kaga bogo.

Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar , halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo qaadan doonta labo maalmood. Casumaad uu ka helay Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani, Madaxweynaha ayaa sahmin doona sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga guuleysta ee dhinacyada maalgashiga, diblomaasiyadda, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. “Booqashada Madaxweynaha waxa ay ku soo beegantay kadib markii MadaxweyneFarmaajo iyo Amiirka Qatar ay wadahadleen, waxaana ujeeddadu tahay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ee labada dal, Qatar waxay door muhiim ah ka tahay dib u dhiska Soomaaliya” Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi, Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada, ayaa ka warbixiyay socdaalka Madaxweynaha. Agaasimaha ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda socdaalka Madaxweynaha ee ...

Privacy Policy