Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Kala-xirnaanta Marinka Hormuz: Khatarta ka dhalatay Go’aanka Iiraan iyo Saamaynta Suuqa Shidaalka Dunida

  Khatarta ka dhalatay Xiritaanka Marinka Hormuz iyo Saamaynta Suuqa Shidaalka Go’aanka ay dowladda Iiraan ku dhowaaqday ee ku aaddan in la xiray Marinka Hormuz ayaa dhaliyey hadal-hayn xooggan iyo baqdin weyn oo laga qabo inuu khalkhal xooggan galo suuqa tamarta ee caalamka. Marinkani waa halbowlaha ugu muhiimsan ee loo maro dhoofinta shidaalka iyo gaaska dunida, waxaana maalin walba mara qiyaastii boqolkiiba labaatan ee sahayda shidaalka caalamka laga isticmaalo. Tallaabadan ay qaadeen ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa timid xilli ay cirka isku shareertay xiisadda kala dhaxaysa quwadaha reer Galbeedka, taas oo keentay in maraakiibta shidaalka qaada ay bilaabaan inay ka baaqsadaan maraan halkaas iyagoo ka cabsi qaba weeraro ama in la qafaasho. Saamaynta Dhaqaalaha iyo Qiimaha Shidaalka ee Dunida Khatarta ugu weyn ee ka dhalanaysa xiritaanka marinkan ayaa ah sare u kaca degdega ah ee ku imaanaya qiimaha shidaalka cayriin ee suuqyada caalamka, maadaama yaraanta sahaydu ay hors...

Ciidamada DANAB ayaa howlgallo ka dhan ah argagixisada ka fuliyey Gobolka Jubbada Hoose.


Ciidamada DANAB ayaa howlgallo ka dhan ah argagixisada ka fuliyey Gobolka Jubbada Hoose.
Degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB gaar ahaan ururka 5-aad  howlgal qorsheysan oo ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab ka fuliyay.

Ujeedka howlgalka ayaa sida ay sheegeen saraakiisha DANAB waxa uu ahaa in lagu burburiyo deegaanada ay Al-Shabaab kaga dhuumaaleysanayaan gobolka, waxaana ciidamadu ay ku guuleysteen xaqiijinta goobihii ay maanta ka saareen.

Ciidamada ayaa cagta mariyey deegaanada Sanguuni, Muuse Xaaji, Carraare, Koban oo dhamaantood ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa howlgalo kala duwan waxa ay si joogta ah uga fuliyaan deegaanada fogfog ee koonfurta Soomaaliya, iyagoo inta badan ku dila maleeshiyaadka Al-Shabaab.



Comments

Maant iyo Soomaaliya

Afrika Oo Iskaashanaysa: Dagaalka Laga Galay Xididka Argagixisada Iyo Doorka Muhiimka Ah Ee Kenya

  Go'aanka Kenya ee lagu mamnuucay Ikhwaanul Muslimiinka iyo hoggaaminta geesinimada leh ee Madaxweynaha Muslimka ah ee Burkina Faso ee ka dhanka ah argagixisada Islaamka, waxay caddayn u yihiin in qaaradda Afrika ay si mideysan u hor istaagtay jihaadka caalamiga ah. Ikhwaanul Muslimiinka Iyo Mishiinka Aragtida Xagjirka Ah Tallaabada Kenya ee lagu mamnuucay Ikhwaanul Muslimiinka waxay si toos ah ula tacaalaysaa aragtida aasaasiga u ah kooxaha argagixisada ee gobolka. Ikhwaanul Muslimiinka ma ahan oo kaliya koox siyaasadeed, balse waa mishiinka aragtiyeed ee ka dambeeya Al-Shabaab, Boko Haram, iyo xagjirayaasha kale ee dhibaatooyinka ka wada qaaradda Afrika. Fikradda Ikhwaanka ayaa ah tan siinaysa kooxaha argagixisada awood ay ku: Xasillooni darrada ka wadaan dalalka. Ka faa’iidaystaan faqriga si ay u qoraan xubno cusub. Dhalinyarada ka dhigaan xagjir iyagoo ka faa’iidaysanaya shucuurta diiniga ah. In la mamnuuco Ikhwaanka waxay la macno tahay in la gooyo xididka aragtiyeed e...

Privacy Policy