Jihada Sarkaal Sirdoon oo Al-Shabaab u Goostay iyo Khatarta Xogaha Qarsoon ee Soomaaliya Warbixin ku saabsan goosashada la sheegay ee sarkaal sare oo ka tirsanaa hay’adda NISA iyo walaaca laga qabo amniga xogaha sirdoonka qaranka. Goosasho la sheegay oo walaac amni dhalisay Warar laga helayo Soomaaliya ayaa sheegaya in sarkaal sare oo ka tirsanaa Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) uu ka goostay dowladda, kuna biiray kooxda Al-Shabaab. Sarkaalka ayaa warbixinnada lagu magacaabay Luqman, waxaana la sheegay inuu hoggaaminayay cutubka gaarka ah ee Duufaan oo hoos yimaada hay’adda NISA. Arrintan ayaa dhalisay walaac la xiriira suurtagalnimada in xogaha sirdoonka qaranka ay gacanta u galaan kooxda hubeysan. Sida ay baahisay Somali Guardian , dhacdadani waxay qayb ka tahay caqabadaha amni ee hay’adaha dowladda Soomaaliya ay wajahayaan. Waa kuma sarkaalka la sheegay inuu goostay? Warbixinta Somali Guardian waxay sarkaalka ku tilmaantay Luqman, oo la sheegay inuu ahaa tali...
1. Kaddib marki lai soo-dhoweeyay wafdiga Midowga (AU), Qarammada Midoobay (UN) iyo Midowga Yurub (EU) dooddaha farsamo ee Kooxda Afarta Xubnood ah (Quartet) iyo wadahadallada la qabtay 28ka Janaayo 2022 ilaa 9ka Maarso 2022 ee horumarinta Fikirka Hawlgallada (CONOPs), Warbixinta Wadajirka ah (Joint Report), Xukashooyinka Taageerada Saadka ee Hawlgalka Cusub Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS),
2. Kaddib markii la xusay geesinnimada iyo naf-hurnimada ciidammada AMISOM iyo Ciidammada Amniga Soomaaliya (SSF) nafta u hureen la dagaallanka Al-Shabaab, isla markaasna la ammaanay doorka AMISOM iyo kan dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya (TCCs) ee lagu dhisayo Soomaaliya oo xasilloon oo nabad ah.
3. Kaddib markii la soo-dhoweeyay khariidad-hawleed ay diyaariyeen Kooxda Afarta Xubnood ee CONOPs-ka, Warbixinta Wadajirka ah iyo Xulashooyinka Taageerada Saadka ee Hawlgalka Cusub Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo xaqiijinta muhiimadda ay leedahay in la raaco jadwalka iyo habraacyada dhammaystirka CONOPs-ka, Warbixinta Wadajirka ah iyo Xulashooyinka Taageerada Saadka ee ku jira khariidad-hawleedka lagu heshiiyey ee Kooxda Afar-Geesoodka ah (Quartet),
4. Kaddib markii la aqoonsaday heshiiskii hore ee farsamo ee DFS iyo Midowga Afrika ay ku kala saxiixdeen Addis Ababa 21kii Janaayo 2022 ee ku saabsanaa cabbiraadda iyo ujeeddooyinka istaraatiijiyadeed ee mustaqbalka ee Hawlgalka Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyo in la xuso ka qayb-galka kulanka is-waraysiga ee Qaahira ee ku saabsanaa Hanka Soomaaliya ee 2021 kadib ee agaasintay Xarunta Caalamiga ah ee Qaahira ee Xallinta Khilaafaadka, Nabadaynta iyo Nabaddhiska (CCCPA),
5. Kaddib markii la isku raacay horumarka laga sameeyey diyaarinta qabyo-qoraalka CONOPS-ka, qabyo-qoraalka Warbixinta Wadajirka ah iyo qabyo-qoraalka Xukashooyinka Taageerada Saadka ee Muqdisho intii u dhaxeysay 29kii Janaayo 2022 ilaa 9ka Febraayo 2022 in ay waafaqsan tahay Khariidada lagu heshiiyey ee Kooxda Afar-Geesoodka ah (Quartet),
6. Kaddib markii loo mahad-celiyay saaxiibada caalamka taageerada ay siiyeen AU, AMISOM iyo DFS 14kii sano ee la soo dhaafay dadaallada lagu xoojinayo nabadda Soomaaliya,
7. Kaddib markii la isla oggaaday in hawsha Kooxda Farsamada Affar-Geesoodka ah (Quartet) loo gudbin doono Madaxda Sare ee Quartet-ka si loo tixgeliyo,
8. Maxaa Xigayo? Kooxaha Farsamada Afar-Geesoodka ah waxay ku heshiiyeen sida hoos ku xusan:
a. Gudbinta qabyo-qoraalka CONOPs-ka, qabyo-qoraalka Warbixinta Wadajirka ah iyo qabyo-qoraalka Xulashada Taageerada Saadka ee Shirka Heerka Madaxda Sare ee Quartet-ka waxaa la qorsheeyay inta u dhaxayso 14ka ilaa 18ka Febraayo 2022 si loo tixgeliyo.
b. Gudbinta qabyo-qoraalka CONOPs-ka, qabyo-qoraalka Warbixinta Wadajirka ah iyo qabyo-qoraalka Xulashada Taageerada Saadka ee Shirka Heerka Madaxda Sare ee Quartet-ka waxaa la qorsheeyay inta u dhaxayso 21ka ilaa 25ka Febraayo 2022 si loo oggolaado.
c. Gudbinta qoraalka kama dambaysta ah ee saddexda nuqul ee Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika iyo Golaha Amniga Qarammada Midoobay waa ugu dambayn 7da Maarso 2022 si loo tixgeliyo loona meelmariyo 31ka Maarso 2022.
The #Somali Government and AU released a joint Statement of technical team’s discussions on the mandate, composition & the Concept of Operations of a proposed new AU mission – the African Union Transition.#Somalia pic.twitter.com/A7k2T0f4bN
— SNTV News (@sntvnews1) February 9, 2022
Comments
Post a Comment