Dowladda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay wararka sheegaya in laga yaabo in dhawaan ganacsiga qaadka Kenya lagu sii daayo Soomaaliya, sida ay sheegeen dhowr goobood oo warbaahin ah.
Mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Madaxweyne XasanSheekh Maxamuud ayaa BBC-da u sheegay in wadahadallo u dhaxeeya labada dhinac
ay ka socdaan arrimo ay ka mid yihiin qaadka. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu ku
andacoonayaa in Somalia ay dooneyso waxa ay Kenya rabto si labada dhinac ay u
helaan natiijo wanaagsan.
Iyadoo loo eegayo danta ganacsatada qaadka ee dalkaasi, ayaa maamulka Kenya ee uu ugu horeeyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxa uu ku taliyay in la fududeeyo mamnuucida qaadka loo dhoofiyo Soomaaliya. Mawduucan ayaa in muddo ah la isku hayay, tan iyo markii ay sharci darro ku noqotay dowladdii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha cusub eeSomaliya, ayaa aqbalay in la dabciyo mamnuucida qaadka laga keeno dalka Kenya. Jimcihii,
Wasiirka Beeraha ee Kenya, Peter Munya, ayaa u sheegay suxufiyiinta. Waxa uu
sheegay in dhawaan la soo gaba gabeyn doono wada xaajoodka arrintaasi, isla
markaana heshiis rasmi ah lagu gaari doono muddo labo todobaad ah.
Peter Munya ayaa ku ammaanay Madaxweyne Kenyatta
kulanka uu la qaatay Xasan Sheekh Maxamuud, dhiggiisa Soomaaliya. Kenyatta ayaa
ka mid ahaa madaxdii caalamka ee ka qeyb gashay caleema saarka madaxweynahaSoomaaliya Khamiistii.
Dowladda Soomaaliya lagu wadaa in ay fasaxdo Qaadka Miirooga ee ka yimaada wadanka Kenya, ka dib wada hadalo dhexmaray Madaxda sare ee labada dal. pic.twitter.com/hmKeQBN7U1
— 24Somalia252 (@24Somalia252) June 10, 2022
Comments
Post a Comment