Sheekh Aadan Maxamed Nuur-Madoobe GuddoomiyahaGolaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti ee Soomaaliya Amb. Maxamed Rashiid.
Safiirka ayaa u yimid inuu salaamo Guddoomiyaha,
isagoo uga warramay xiriirka walaaltinimo ee naga dhexeeya iyo sida ay labada
sharci u wada shaqeyn karaan. Dhanka kale, Mudane Sheekh Aadan Madoobe,
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa
Safiirka uga mahadceliyey booqashadiisa, wuxuuna bogaadiyay xiriirka
walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal, iyo shacabka iyo dowladda.
Gudd @Golaha_shac_JFS mudane Sheekh @Aadanmadoobe ayaa maanta gelinkii dambe gurigiisa ku qaabiley danjiraha dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Amb. Mohamed Rashid. pic.twitter.com/Hdw0SzjbTi
— Golaha Shacabka BJFS (@Golaha_shac_JFS) June 14, 2022
Comments
Post a Comment