Madaxweynaha Galmudug ayaa war ka soo saaray khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baxdo ee Al-Shabaab lala galey
Maamulka Galmudug ayaa soo saaray war saxaafadeed ku saabsan dagaalkii ka dhacay deegaanka Baxdo, iyagoo shacabka deegaanka ku bogaadiyay sida ay ugu dhabar adaygeen weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku soo qaadeen. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug, 70 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay dagaalka, iyadoo Madaxweynaha Galmudug uu shacabka ku bogaadiyay sida geesinimada leh ee ay isaga difaaceen cadowga.
Dowladda Galmudug ayaa ku ammaantay ciidamada
qalabka sida, maamulka iyo shacabka degmada Baxdo sida ay uga feejigan yihiin
dhagarqabayaashii gacanta ku hayay xogta, waxaana la garaacay meydadka 70 ruux
oo ay ku jiraan saddex Ajaanib ah, hub, rasaas aad u badan, iyo Gaari laga soo
buuxiyay walxaha qarxa oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka degmada
Baxdo.
Maamulka Galmudug ayaa qiray in weerarka kadib ay
ciidamada daraawiishta Galmudug iyo xoogaggoodu ay ka howlgaleen deegaano ka
tirsan degmada Baxdo oo ay ku baacsadeen haraadiga kooxdan argagixisada ah,
iyaga oo cashar qiimo leh u dhigay.
70 #Alshabab terrorists including three foreigners were killed in #Bahdo town in #Galgadud region after terrorists attempted to attack the town, on Friday, an statement by Somalia’s #Galmudug State says.#Somalia pic.twitter.com/F8qlCM0Jbm
— SNTV News (@sntvnews1) June 17, 2022
Comments
Post a Comment