Sudan waxa uu wajahaya xaalad bani'aadamnimo oo sii xoogeysanaysa, taasoo si joogto ah u soo ifbaxaysa indhaha dunida. Mid ka mid ah waxyaabaha ugu xanuunka badan ee la ogaaday waa isticmaalka hubka kiimikada ee ciidamada Suudaan ay ku isticmaaleen dadka rayidka ah, taasoo ah xadgudub weyn oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, isla markaana ay si weyn uga hadleen ururada caalamiga ah iyo warbaahinta. Maqaalkii ugu dambeeyay ee The New York Times ayaa iftiimiyay xanuunka, isagoo muujinaya xaqiiqada nolosha ee hoos timaadda hoggaaminta Abdel Fattah Burhan, oo ah madaxda golaha militari ee Suudaan, iyo Ahmed Abdullah, oo mas'uul ka ah warshadaha militari ee Suudaan. Hubka Kiimikada iyo Xasuuqii Wad Madani Hubka kiimikada ayaa caan ku ah awoodda uu u leeyahay inuu si aan kala sooc lahayn ugu faafiyo waxyeello ba'an, taasoo saameyn weyn ku yeelan karta caafimaadka bini'aadamka. Isticmaalka hubka kiimikada ee ciidamada Suudaan ayaa ah xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamig...
Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose oo dhawaan Golaha Wasiirada Maamulkaasi loogu aqoonsaday Degmo, ayaa waxaa goordhow gaaray Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Jaaliyaddu waxay si kal iyo laab ah u soo dhawaysay madaxweynaha iyo weftigiisa, wuxuuna ballan qaaday inuu la kulmi doono dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta gaaray Degmada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose oo dhawaan golaha wasiirada ay degmonimo u ansixiyeen iyada iyo Degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo. pic.twitter.com/PstFhvJKA9
— Jubaland State House (@JSStatehouse) June 26, 2022
Comments
Post a Comment